AAYADAHA QURAANKA IYO NOLOL MAALMEEDKA DADKA IS WAAFAJI
Suuradda Faatixadu waxay ka kooban tahay 7 aayadood oo uu bisinku ka mid yahay culumaduna way isku raacsan yihiin arrinkaas. Sidaas darteed aayadda ugu horraysa waa bisinka بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ(1) .
وروي عن طرق أهل السنة والجماعة نظير هذا المعنى فعن الدار قطنى عن أبي هريره قال: قال رسول الله صلى الله عليه وآله وسلم: ((إذا قرأتم الحمد لله فاقرأوا ((بسم الله الرحمن الرحيم))، فإنها أم القرآن والسبع المثاني، وبسم الله الرحمن الرحيم إحدى آياتها.
Marka hore waxaynu isla arkaynaa wixii ay culumadu ka sheegeen bisinka, ka dibna waxaynu isla eegaynaa sida ugu haboon ee aynu ugu dabaqi karno xigmadda ku jirta bisinka nolol maalmeedkeenna.
Ugu horrayn culumada fasirta Quraanku waxay isku qabteen ereyga بِسْمِ iyaga oo qaar dheheen waa magac qaarna dheheen maya ee ka soo jeeda ereyga سمو oo macnihiisu yahay sarreeye. Haddii aynu eegno ereyga اللَّهِ waxaa loola jeedaa Ilaah, waana erey luqadda uu asal ahaan ka soo jeedo aan la aqoonin, waxaanse lee yahay waa magaca tooska ah ee uu Ilaah lee yahay. Labada erey ee kale الرَّحْمَنِ iyo الرَّحِيمِ waa labo erey oo isku asal ah kana soo farcmay ereyga الرحمة oo macnihiisu yahay naxariista.
Waxaan doonayaa in aan wax yar ku hakado ereyga naxariis oo aan u arko in uusan macnaha loo bartay mooyee uusan muujinayn macnaha uu yahay. Naxariis ama الرحمة waa badbaadinta ama wax kasta oo dhibaato iyo cadaab looga badbaado ayaa ah naxariis.
Sida aad garan kartaan dadku waa dhaliil dhaliil saaran hase yeeshee Alle ayaa dhaliil kasta noo sameeyey wax aynu uga badbaadno oo aynu ku daboolno. Matal indho la’aantu waa dhibaato ay aragga uga badbaadnay sidaas darteed waxaa la odhan karaa indhuhu waa naxariis looga badbaaday indho la’aanta. Sidoo kale dheguhu waa naxariis looga badbaaday dhego la’aanta, luguhuna waa naxariis looga badbaaday socod la’aanta iwm.
Ereyga الرَّحْمَنِ waxaan ku macnaynayaa naxariiste ama badbaadiye ama u tudhe, waayo adduunku wuxuu jirayaa ilaa qiyaamaha Alle ayaana ilaa qiyaamaha laga gaadhayo badbaadadiisa u xil saaran dadka gaal iyo muslimba, xoolaha, dhigta iyo abuurka kale oo dhan. Qof aadami ah looma bixin karo الرَّحْمَنِ ama tudhe ama badbaadiye waayo waa Ilaah magaciisa tooska ah cid kalena looma bixin karo sida الله oo kale.
Ereyga الرَّحِيمِ –na waa naxariista uu Alle sida gaarka ah u siiyo ruuxii ka goosta oo la yimaada wax uu Alle ugu naxariisto. Qof waa lagu dhihi karaa qofkaas waa الرَّحِيمِlaakiin qofkaasi waa الرَّحْمَنِ lama dhihi karo.
Waxaan doonayaa in aan halkan ka xuso in eryga الرَّحْمَنِ Quraanka ku soo noq noqdo 54 jeer macnaha ay samaynayaana yahay Ilaah, hase yeeshee uu ereyga ku soo laalaabto Quraanka 34 jeer macnaha uu samaynayaana yahay naxariista, sidaas darteed ayaan u jeclaystay in aan الرحمن الرحيم ugu macneeyo Raxmaanka ama Ilaaha aan laga naxariista badnayn. Iyada oo ay iila muuqato in waxa ay culumadu ku sheegaan naxariista guud ay ka fududahay in la garto haddii lagu sheego tudhis oo ah in abuurka oo dhammi tudhan yahay. Naxariista gaarna ay tahay midda uu Alle dadka ka goosta siiyo sida dadka mu’miniinta ah oo kale sida uu ku sheegay aayaddan hoos ku qoran.
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ رُسُلًا إِلَى قَوْمِهِمْ فَجَاءُوهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَانْتَقَمْنَا مِنَ الَّذِينَ أَجْرَمُوا وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ(الروم 47).
Sida ka muuqata aayadda wuxuu Alle noo sheegayaa in uu weligiisba ummad kasta u soo diri jiray rasuul iyaga ka mid ah, markaasna ay rusushaasi ummadahooda ula imaan jireen cadaaymo sugan oo lagu shaki baxo, markaas ayay qaarkood diideen dhibaatana geysteen markaas ayaanu annaguna u hiilinay mu’miniintii waayo waa naga ballan in aannu mar kasta u hiilinno daka mu’miniinta ah.
Intaasi waa wixii aan ku tafsiiri kari lahaa bisinka suuradda Faatixada gaar ahaan iyo bisin oo dhan guud ahaanba.
NOLOSHA XAGGEE KAGA DABAQI KARNAA BISINKA.
Arrinku ma aha mid aynu innagu samaysanayno ee rasuulka ayaa si buuxda uga hadlay sida nolol maalmeedkeenna ugaga faa’iidaysanayno bisinka, hase yeeshee innaga ayaa meesha is dhignay oo nafteennii gabnay. Sida uu Alle kitaabkiisa kariimka noogu soo tebiyey shaydaanku waa noo cadaw sidaas darteed Alle wuxuu na farayaa in aynu innaguna cadaw ka dhiganno sida ku aayaddani sheegayso.
إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَاتَّخِذُوهُ عَدُوًّا إِنَّمَا يَدْعُو حِزْبَهُ لِيَكُونُوا مِنْ أَصْحَابِ السَّعِيرِ(فاطر 6).
Shaydaanku wuxuu idiin yahay cadaw wuxuuna idinla doonayaa in uu cadaabta afka idiinka shubo sidaas darteed idinkuna cadaw ka dhigta.
Marka cadawgaas oo ah midka ugu xun ee qofku yeesho waxaa hubka sida xun u gumaada ah bisinka Alle oo loo qabto. Asxaabi rasuulka u fan saaran la fadhiyey rasuulka ayaa dhahay shaydaanka ha isu liidin waayo inta uu kugu weynaado ayuu guri le’ekaanayaa haddiise aad dhahdo bisinka بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ duqsi ayuu ka yaraanayaa.
عن أبي المليحقال :كنت رديف النبي صلى الله عليه وسلم فعثرت دابته فقلت : تعس الشيطان فقال : لا تقل تعس الشيطان فإنك إذا قلت ذلك تعاظم حتى يكون مثل البيت ويقول : بقوتي ، ولكن قل بسم الله فإنك إذا قلت ذلك تصاغر حتى يكون مثل الذباب “
Sida ka muuqata xadiiskan si shaydaanka la isaga naaro waxaa loo baahan yahay in la dhaho بسم الله haddiise aadan dhihin waa weynaanayaa sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in aad wax kasta bisinka ku bilawdid ama u qabatid. Midda kale salaaddu waa cibaadaadka kuwa ugu fadliga weyn haddii aadan bisinku u qaban markii aad weysaysanayso weysadaas waxba kama jiraan. لا وضوء لمن لم يذكر اسم الله عليه….
Sidaas darteed wixii aan bisinka loo qaban ajar lagu heli maayo, sidaas darteed waa in wax kasta markii la samaynayo lagu bilaabaa bisinka Alle.
كل أمر لا يبدأ فيه بـ “بسم الله الرحمن الرحيم” فهو أجذم وتستحب البسملة عند دخول الخلاء لما ورد من الحديث في ذلك.
Wax kasta oo aan bisinka loo qabanin barako ma yeelanayo wax ajar ahna laga dheefi maayo. Sidoo kale markii aad geli ratid musqul waa in aad bisinka qabsatid. Arrinta kale ee muhimka ahi waa markii uu ninku u tegayo xaaskiisa oo haddii uu bisinka u qabto oo dhaho sida xadiiskan hoos ku qoran ku dhigan uu dhaho بسم الله اللهم جنبنا الشيطان وجنب الشيطان ما رزقتنا haddii uu markaas cunug u calool galo shaydaanku ma dhibaataynayo cunugaas.
عن ابن عباس أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال “لو أن أحدكم إذا أراد أن يأتي أهله قال بسم الله اللهم جنبنا الشيطان وجنب الشيطان ما رزقتنا فإنه إن يقدر بينهما ولد لم يضره الشيطان أبدا “.
Haddaba haddii aad dhuuxdo xadiisyada iyo aayadaha aynu kor ku soo xusnay waxaa muuqata in bisinku nolol maalmeeddeenna aad muhim ugu yahay. Innaga ayaa u baahan in aynu bisinka cuskano waayo badbaadadeenna ayaa ku jirta oo cadawga ugu xun ee aadamigu lee yahay ayuu naga celinayaa. Xasuus Alle iyo cibaadana waa uu noo noqonayaa.
OMER SULEIMAN ALI