|

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay safiirada Nederland iyo Sweden

(Muqdisho, Soomaaliya , April, 16, 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku soo dhaweeyay wafdi ka socday dalalka Nederland iyo Sweden si uu uga gudoomo warqadaha aqoonsinga ee Safiirnimo.

Waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweynaha R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo  Fowziya Xaaji Yuusuf Aadan.

Safiiradan ayaa waxey kala ahaayeen  Mudane Mikael Lindvall oo Soomaaliya u qaabilsan dalka Sweden iyo , Mudane Joost Reintjes oo sidoo kale Safiirka Nederland ah.

Madaxweyne Xassan ayaa safiiradda cusub uga warbixiyay xaaladda amni, dhaqaale, cadaaladda iyo dib-u-habeynta ku socota  dowladda qeybaheeda kala duwan. Waxaa kale uu ka hadlay Lixda Tiir Siyaasadeed ee Dowladda Soomaaliya. Wuxuuna ku booriyay safiiradda cusub in ay ka qeyb qaatan taageridda Siyaasadeed dowladda.

Mar uu la hadlay ayuu Madaxeynaha wuxuu yiri “ Aad baan ugu faraxsanahay in aan idin ku soo dhaweeyo Soomaaliya.Talaabadan ayaa waxey muujjineysaa horumarka la gaaray iyo sida ay uga go’an tahay beesha Caalamka in ay taageraan dowladda Soomaaliya.”

Ugu denbeyntii “ Dowladda Soomaaliya waxey idiin tahay saaxib dhab ah. Waxaana ka go’an dowladda in ay sare u qaado xiriirka diblomaasiyeed ay la leedahay  dalalka Nederland iyo Sweden.”

Communication Office

Office of the Somali President

Mogadishu, Somalia

Comments are closed