|

Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Gobolka Saraar oo u dhintay weerar Maleeshiyo ku qabsatay Jeelka Caynaba

Burco 16April13 (SDN) Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar Axmed Caydiid ayaa ku geeriyooday weerar koox Maleeshiyo ahi ku qabsatay Jeelka Magaalo madaxda Gobolkaasi ee Caynaba.Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobolada Barri waxa uu Marxuumku ku geeriyooday tuuladda Beer mar dhaawaciisa loo soo waday dhinaca Burco, waxaana Maydkii Marxuumka iyo Taliye ku-xigeenkii Xabsigaasi oo dhawaac ah la keenay Cisbitaalka Burco.

Sidoo kale waxa dhaawaciisii la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka burco Akari ka tirsan Ciidanka Asluubta ee Xabsiga Caynaba.

Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar Axmed Caydiid ayaa ku geeriyooday weerar koox Maleeshiyo ahi ku qabsatay Jeelka Magaalo madaxda Gobolkaasi ee Caynaba.
Dhinaca Kale Dablaydan Hubaysan ee Soo Weerartay Xabsiga Magaalada Caynabo ayaa kala baxay Laba Maxbuus oo Maalintii Shalay lagu soo Xidhay Xabsiga Caynabo warku Waxa uu Intaas ku darayaa in Dhacdadani ay Salka ku hayso Khilaaf u dhexeeya Laba Beelood oo Wada dega Gobolka Saraar
Burco qurbejoog.com

Comments are closed