|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku baaqay in Dareen Midaysan lagu qaabilo Xuska 18 May {DHAGAYSO}

Hargaysa 16.April.(SDN)    Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida Qaban qaabada Xuska 18 May ayaa fariin maanta u diray Guud ahaan Shacabka Somaliland kana dalbaday inay dareen isku mid ah ku qaabilaan abaabulka Xuskaas Qaran.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xubno ka tirsan Gudida qaban qaabada oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa tilmaamay sida ay Waajibka u tahay in looga wada qayb qaato dabaal dega Munaasibada 22 Guurada ka soo Wareegtay Markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland waxaanu Xusay in Mucaarid iyo Muxaafid laga midaysnaado sidii dhawaq keliya aynu adduunka u gaadhsiin lahayn.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/May.mp3″]

Comments are closed