|

Dowladda Koofur Africa oo caawineysa Ciidamada dowladda Soomaaliya

Pretoria April 16 2013 (SDN)— Xukuumadda Pretoria ayaa shaaca ka qaaday inay la qeybsaneyso dhacdadii xanuunka Badneyd eek u habsatay shacabka iyo Xukuumada Soomaaliyeed ee ka danbeysay weerarkii lala beegsaday xarunta Maxkamada gobolka Banaadir.

“Falkii dhacay oo aan u aqoonsanay fal Argagixiso waxaa ku dhintay in ka badan 34 Qof,58,kalena waa ay ku dhaawcmeen,intaasi oo idilna qiil looma ahaya,ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Xukuumada Pretoria.

“Runtii Qaraxyada ka Weerarada ka dhacaya Muqdisho,waxay mugdi gilinayaan ileyska Nabad ee Muqdisho haatan laga dareemayo,waxayna dib ugu celinayaan waxii dowlad Naceynka ahaa ee ka jiray dalka Soomaaliya 22-kii sano ee ugu danbeeyay” Clayson Monyela afhayeenka dowlada Koonfur Africa ayaa sidaasi sheegay.

Sidoo kale Afhayeenka isku xirka xariirka caalamiga ee dalkaasi Clayson Monyela,ayaa waxa ka dhacay Muqdisho ku tilmaamay kuwo laga yaabo inay wax u dhimaan xariirka caalamiga ee dowlada Soomaaliya la leedahay dunida inteeda kale.

Dowlada Koonfur Africa ayaa Tacsi u dirtay Ehalada dadkii ku geeriyooday falkii Muqdisho ka dhacay,iyagoona balan qaaday inay dowlada soomaaliya ka taageri doonaan dagaalada lagula jira kooxaha xukuumada ka soo horjeeda.

Afhayeenka isku xirka xariirka caalamiga ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegay inay garab istaagsan yihiin shacabka iyo xukuumada Soomaaliya,islamarkaana la qeybsanayaan dhibta soo gaara.

Dowlada Koonfur Africa ayaa qeyb ka noqoneysa dowlado badan oo canbaareeyay weerarkii Al-shabaab ee Muqdisho, kaasi mar qura soo wada jeediyay indhaha beesha caalamka, kuwaasi kala socday qalabka warbaahinta kuwa Maqalka iyo Muqaalka intaba.

Comments are closed