|

Madaxweynaha Soomaaliya oo canbaareeyay qaraxyadii ka dhacay Boston

Muqdisho April 16 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu canbaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Boston,Gobalka Massachusetts, ee dalka Mareykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha xafiiskiisa ayaa waxaa lagu yiri “Aniga iyo shacabkeyga waxaan tacsi udireynaa shacabkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay Boston ee dadka rayidka ee ordaye ay ku geeriyodeen”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay inuu ka xun yahay dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxyadii dhacay,kuwaasi oo ay ku jireen carruur yar yar oo si daran u dhaawacmay.

“Ciyaarta Marathons waxaa looga kala yimaada dunida dacaladeeda,waxaana ku baxay Malaayiin dollar oo la soo uruuriyay,waxaana ka qeyb qaadanayay Orodyahano rayid ah iyo taageerayaashooda,oo ay qeyb ka ahaayeen carruur”,ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in falkaan ka dhacay Mareynkanka uu u muuqdo mid fal Argagixiso ah,oo lagu Muujinayay cadowtinimada loo qabo shacabka Mareynkanka.

Ugu danbeyntii Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Pro, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu yiri,waxaana si wada jir ah isaga difaaci doonaa dhamaan Kooxaha Argagixisada,kuwaasi oo rabshadahooda ay sii fidayaan,mana u ogaalan doono mardanbe arintaan hada dhacday.

Si kastaba ha ahaatee warkaan ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya,iyadoo shalay Mgaalada Boston ee dalka Mareynkanka uu gilgilay qaraxyo waa weyn oo sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Comments are closed