|

Q/M iyo Maraykanka oo ku dhawaaqay dagaal cusub oo lala galo Al Shabaab

New York April 16 2013 (SDN)– War qoraal ah oo si wadajir ay u soo saareen Mareykanka iyo Golaha ammaanka ayaa waxay kaga hadleen dhacdadii Maalin ka hor ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ay geysteen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

“Wuxuu ahaa weerar aan macquul ahayn oo qorsheysan,Golaha amaanka iyo iyo Mareykanka waxay si aad ah ay kaga xun yihiin waxii dhacay,waxayna si wada jira u cusbooneysiinayaan dagaalada lagula jiro dhamaan Argagixisada”,ayaa lagu yiri warbixinta.Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in kuwa hor istaagsan Nabad ka bidhaanta Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin oo ay la dagaalamayaan,iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in la garab istaago xukuumada Soomaaliya oo dagaal kala kulmeysa Al-shabaab.Golahaa ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in daraasiin dad ah ay ku dhinteen weerarkii Maalin ka hor ka dhacay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho,halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxayna ku eedeeyeen dhacdadaasi Al-shabaab sida horay u sheegteen iyaguba.

“Xubnaha Golaha ammaanka waxay ka warqabaan hanjabaadaha iyo xasilooni darada ka jirta Soomaaliya,waxaana arintii Maalin ka hor Muqdisho ka dhacday nagu abuurtay Naxdin,anagoo ka duuleyna arintaasina waxaan ku dhawaaqnay duulaan hor leh oo ka dhan ah Al-shabaab”,ayaa lagu sheegay warbixinta sida wadajirka ah ay u soo saareen Mareykanka iyo Golaha ammaanka.

Hayeeshee,warka qoraalka ah ayaa ku soo aadaya xili beesha caalamka si isku mid ah u canbaareeyeen wixii dhacay Maalin ka hor,iyagoona ku tilmaamay mid ka hor imaanaya ammaanka iyo xasiloonida laga dareemayo Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Soomaaliya.

Waxaana markii weerarka dhacay kadib shirjiraa’id qabtay Afhayeenka Guud ee Al-shabaab Cali dheere oo ku cod dheer kugula dhawaaqay sheegashada arinkaasi.

Comments are closed