Magaalada ugu Jaamacadaha badan Mareykanka oo kulmisay labada Siyaasi ee Sheekh Shariif iyo Jamaal Cali Xuseen iyo Doorka ay magaaladaasi ku leedahay heerkooda aqooneed
Boston Mar 29,2013(SDN)-Waxa dhawaan magaalada Boston ee dalka Mareykanka mar ku wada sugnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md Sheekh Shariif iyo Musharaxa Madaxweyne ee ee xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen.
Magaalada Boston oo ay ku yaaliin Tirada Jaamacdeed ee ugu badan dalka Mareykanka ayaa labadan siyaasi xiliyo kal duwan ay wax ka baranayaan.
Musharaxa Madaxwyne ee Xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu mid ka mida Jaamacadaha Dunida ugu Caansan ee Harvard waxa uu ka qaatay Culuunta dhaqaalaha.
Halka Madaxweyne Sheekh Shariif uu haatan Jaamcada Boston ka qaadanayo fasalo la xidhiidha barashada Luuqada Englishta.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hore Jaamacad ku taal dalka Libiya uga qaatay shahaado dhanka shreecada Islamka ku taxaluqda.
Halka Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID uu hore Baanka weyny ee City Bank madax uga ahaa wadamo dhawr ah oo dunida dacaladeeda ku yaal.
Hadal heynta ugu badan ee Bulshada reer Boston ee todobaadkan ayaa aheyd isbarbar dhiga labadan Siyaasi iyo marxaladaha waxbarasho ee noloshooda ee xiligan.
Iyada oo Qurbajooga reer Boston aad arkeysay iyaga oo marar kala duwan booqanaya labadan siyaasi kana wareysanaya nolosha guud ahaan iyo gaar ahaan siyaasada.
SDN-Qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com