|

Pretoria: Nelson Mandela oo markale Cusbataal loo gudbiyay iyo wararkii u dambeeyay ee xaaladdiisa Caafimaad

JOHANNESBURG, March, 28 2013 (SDN/AP)- Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa Khamiista maanta dib loogu celiyay cusbataal, taasoo ah markii saddexaad ah ee muddo afar bilood gudahood ah cusbataal loo gudbiyo, si loo daaweeyo.

Mr. Mandela oo hadda 94-jir ahi, waxa la rejaynayaa inuu ka soo kabto xanuunka kadib daawaynta la xidhiidha xal-u-helida xanuun caabuq dhinaca sambabka ah.

Siday sheegtay Associated Press oo soo xiganaysa Madaxtooyada Koonfur Afrika, dhakhaatiirtu waxay ka walaacsanaayeen khatar dhinaca noloshiisa ah, maadaama ay sii kordhayso da’da hoggaamiyahaa nidaamkii midab-takoorka dalkaas ka horjeestay, kaasoo ay sannadihii u dambeeyay sii daciifayay.

Madaxweynihii hore ee South Africa, Nelson Mandela oo haysta abaal-marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, waxa cusbataalka Pretoria ee caasimadda dalkaas loo gudbiyay waxyar uun ka hor saqdii dhexe ee xalay.

Wuxuu si gaara nugul ugu ahaa dhibaato dhinaca neefsiga ah, laga soo bilaabo la macaamilkiisii cudurka qaaxadda intii lagu gudo jiray 27-kiisii sannadood ee uu xabsiga ugu jiray la-dagaalanka xukunkii caddaanka midab-kala-sooca ahaa ee dalkiisa Koonfur Afrika.

“Dhakhaatiirtu waxay ku taliyeen in Madaxweynihii hore, Nelson Mandela inuu si togan ugu soo kabanayo daawaynta uu u qaadanayo soo laabashada caabuqa sambabka,” ayay Madaxtooyada dalkaasi ku tidhi war qoraal ah oo ay soosaartay. “Wuxuu ku sii jirayaa daawaynta iyo kor-joogista lagu fidinayo cusbataalka gudihiisa,” ayuu raaciyay qoraalkaasi.

Mandela oo noqday Madaxweynihii u horeeyay ee madow ah ee Koonfur Afrika yeelato 1994-kii, waa shaqsi aad looga tixgeliyo dalkiisa, iyadoo loogu magac-daray dhismeyaal iyo goobo kale uu dabadii ku magacawnaan doono, waxaana muuqaalkiisa loo isticmaalaa sawirka noodhadhka lacageed ee bangiga qaran ee dalkaas.

“Aad baan uga xumahay. Waan murugaysnahay,” ayuu yidhi Obed Mokwana oo degen magaalada ganacsiga ee Johannesburg, kadib markii uu maqlayy in Mandela dib loogu celiyay cusbataalka.

Bishii December, 2012, Mandela wuxuu saddex todobaad cusbataal ku qaaday gudaha Pretoria, halkaasoo lagaga daaweeyay caabuqa sambabka, horaantii bishan aynu ku jirana waxa cusbataalka loo dhigay si degdeg ah wax ay masuuliyiintu ku sheegeen ‘tijaabo daawayn lagu guulaystay oo hore u qorshaysnayd.’

Qurbejoog.com, Pretoria

Comments are closed