|

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Warbixintii HRW ay dhawaan soo saartay

Muqdisho March 28 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay si aad u soo dhaweyneyso warbixinada Human Rights watch ee ku aadan ka tala bixinta xaaladaha xaquuqda aadanaha Soomaaliya ee ka dhanka ah barakacayaasha Muqdisho ku dhaqan (IDPS).

“Aniga iyo Xukuumada Soomaaliya, waxaan soo dhaweeyneynaa Hay’ada xaquuqda aadanaha sida wacan ay u faah faahineyso warbixinada ku aadan xaalada ay ku sugan yihiin dadka barakacaaysha ee ku sugan Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya 2011-2012,waxaana qof weliba uu marqaati ka yahay in arintaan qalbi jibin iyo murugo ku tahay qiimaha iyo sharafka Soomaaliya.

“Waxaan mar labaad si cad u sheegayaa in shaqsi ahanteyda isku howlayo soo celinta amaanka bulshada rayidka, islamarkana gacan bir ah lagu qabanayo qof welib oo isku daya inuu xadgudubyo u geysto shacabka Masaakiinta ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Max’ud ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatooyinka dalka ka jira ay baahsan yihiin, kaliya aysan ku koobneyn xad gudubyada ka dhanka ah shacabka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiimadoodu tahay sugida amaanka shacabka iyo kor u qaadista ciidamada Meleteriga dalka, isagoona dalbaday in gacan laga siiyo arimahaasi sidii ay u hirgelin lahaayeen.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in ay dhisayaan ciidamada amaanka si amaanka guud ahaan dalka ay u xaqiijiyaan.

“Waxaan u baaqeynaa dhamaan Taageerayaasheena inay naga caawiyaan awooda aanu u baahan nahay inaan kaga hor tagno arintaan soo noq noqotay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka.

Comments are closed