|

Daawo Sawirada Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisii ee Berbera ilaa Hargaysa

Hargaysa 28March (SDN)  Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta soo gaadhay Caasimada dalka ee Hargaysa kadib markii ay Shalay dalka dib ugu soo laabteen Socdaal Shan Cisho qaatay oo ay ku joogeen Wadanka Isu taga Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo habeenkii Xalay u hoyday magaalada Berbera isla markaana maanta ka soo kicitimay ayaa  inta u dhaxaysa Magaalooyinka Berbera iyo Caasimada hargaysa waxa ay kala Kulmeen Soo  dhawyan balaadhan oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana deegaamada u dhexeeya labada magaalo si weyn uga da’ay raxmaadka .

                                                                          Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Madaxtooyadda, Arrimaha dibadda, Macdanta, Beeraha, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda, Wasiir Ku xigeenka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo marwada koowaad ee Somaliland.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed