|

Shir lagaga hadlayay Waxqabadka Wasaarada Caafimaadka oo Hargaysa lagu soo gabo gabeeyay

Hargaysa 28March (SDN)  Shir-howleed  Lagu gor-faynayey Wax-yaalaha u qab-soomay iyo ku tala galka Sanadkan2013-ka ee wasaarada caafimaadka iyo hay’adaha la shaqeeya ayaa maanta lagu soo geba-gebeeyey  Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee wasaarada caafimaadka Dr,Axmed Cabdi Nuur, oo xidhitaankii shirka oo lagu gorfaynayey intii uu socday  wixii u qab-soomay sanadkii 2012-kii  wasaarada caafimaadka iyo hay’adaha la shaqeeya kahadlay ayaa waxa uu sheegay,in shirka  lagu lafa guray oo kale qorshaha ku tala galka waxa uy qorshaysan hay’ad kasta  sanadkan 2013, ee ku tala gal-keedu yahay inay fuliso.

Agaasimaha Guud waxa uu xusay in qaybaha kala duwan ee wasaaada caafimaadka, hay’adaha Q/midoobay , kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahiba ay soo ban-dhigeen qorshe aad u wanaag-san oo muujinaya in hour-mar la sameeyey.waxaanuu Agaasimaha Guud intaa raaciyey in ujeedadqa ugu weyn ee la doonayaa ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa adeeg-yada caafimaadka ee bulshada loo qabanayo

Iyo sidii lay-saga kaashan lahaa wixii  caqabado jira sida looga gud-bayo.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka Axmed Cabdi Nuur,waxa  uu u soo jeediyey  qay-baha kala duwan ee wasaarada caafimaadka iyo Hay’aduhu  in qayb kastoo wada shaqay-naysaa ay bishiiba mar ay kulan yeeshaan, si loo helo ayuu yidhi Agaasimuhu xog sugan oo lagu saxo howsha la qabanayo,laguna wada howl  galo.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed