AMISOM Oo Faah Faahin Ka bixisay Ciidamada Ka Socda Sera Leone Oo ka mid noqonaya Howlgalka Nabada Ilaalinta Soomaaliya
Muqdisho March 28 2013 (SDN)– Afhayeenka ciidamada Amisom Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo la xiriirta howlgalka Amisom ee Soomaaliya.
Cali Aadan Xumud afhayeenka Amisom ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in todobaadka soo socda ay ciidamo ka socda dalka Sera Leone gaarayana 850 kana mid noqon doona howlgalka Amisom ay soo gaari doonaan Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamada ka imaanaya Sera Leone la geyn doono Magaalada Kismaayo, ayagoona ku biiri doona ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Amisom kuna sugan Magaaladaasi.
Afhayeenka ciidamada Amisom Cali Aadan Xumud ayaa sidoo kale ka hadlay tababar u socda saraakiil iyo saraakiil ku xigeeno ka tirsan ciidamada dowlada, isagoona sheegay in bartamaha bisha soo socata loo soo gabagabeyn doono tababarkooda oo haatan uga socda deegaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxa uuna dhanka kale xusay in ciidamo kale oo ka tirsan dowlada dhawaan tababar loogu qaadi doono dalka Uganda, ayadoona tababarkaasi ay iska kaashanayaan Midowga Yurub iyo Amisom halkaasi oo uu sheegay in tababar qaas ah ay ku soo qaadan doonaan.
Hadalka afhayeenka Amisom ayaa imaanaya xili maalmihii dambe la hadal hayey ciidamo ka socda dalka Sera Leone ay soo gaari doonaan Soomaaliya qeybna ay ka noqon doonaan howlgalka Amisom, ayadoona harey arintaasi ay u xaqiijiyeen madaxda dowlada Sera Leone.
SDN-Muqdisho