|

Hay’adda SAFE & John Price Foundation oo kormeer qiimayn ah ku soo sameeyay dugsiyada SAFE ka dhistay deegaannada Maraagga iyo Harcadaad

Faraweyne Mar 28,2013(SDN)-Hay’adda Somali and American Fund for Education (SAFE) oo xarunteedu tahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa dabayaqaadadii sannadkii hore ka fulisay  dhismeyaal cusub oo dugsiyo hoose ah deegaanada Maraagga iyo Harcadaad kuwaasoo ay ka codsadeen bulshooyinka deegaannadani.

Hay’adda SAFE oo ka shaqaysa horumarinta waxbarashada carruurta soomaalida ah, isla markaana sannad kasta ka  caawisa tiro deegaanno ama bulshooyin ah inay helaan adeegyayada waxbarashada aas’aasiga ah ee dhismaha dugsiyada iyo agabka soo raaca ayay iska kaashadeen dhismaha labadan dugsi  hay’adda Price Foundation oo uu leeyahay Ambassador John Price oo ah diblomaasi hore oo maraykan ah.

Guddoomiyaha  hay’adda SAFE Hodan Guuleed iyo  Ambassador John Price oo dhawaan safar shaqo ku yimi dalka ayaa kormeer qiimayn ah ku  booqday dugsiyada cusub ee ay ka dhiseen deegaannada Maraagga iyo Harcadaad si ay  u qiimeeyaan wixii la qabtay iyo baahiyaha hadda ka jira dugsiyadan.

Weftiga Hodan Guuleed iyo John Price oo maanta booqday  dugsiga Maraagga ayaa saacado badan ku qaatay inay la kulmaan ardayda waxku baraynaysa fasallada cusub ee la dhisay, barayaasha iyo xubnaha waalidiinta ardayda si ay waxbadan xog ogaal ugu noqdaan.

Weftiga oo ay ardayda dugsigaas iyo bulshada deegaanka Maraaggu si diiran ugu soo dhaweeyeen dugsiga ayaa u bogay  sida habsamida leh ee  barmaamika waxbarasho uga socdo dugsiga iyo tirada ardayda hablaha iyo wiilashaba leh ee waxku baranaya.

Waxa ugu horayn warbixin kooban hay’adda SAFE iyo weftiga ka siiyay xogta guud ee dugsiga Maraagga Xidhiidhiyaha Dugsiga iyo Hay’adda Xasan Axmed Yuusuf isagoo ugu horayn uga mahadceliyay hay’adda SAFE iyo John Price waxqabadka muuqda ee  ay gacanta siiyeen dhinaca waxbarashada deegaanka,   una faahfaahiyay weftiga sida loo fuliyay waxqabadkii hore, doorkii ay bulshadu ka qaadatay iyo baahiyaha mudnaanta leh ee ka jira dugsiga oo iyana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa, waxanu Xidhiidhiyuhu ka codsaday hay’adda SAFE iyo John Price

Guddoomiyaha hay’adda SAFE, Hodan Guuleed ayaa u sheegtay  waalidiinta iyo  gudida Maraagga in ujeedooyinka loo dhisay dugsigani tahay inay si dhab ah wax ugu bartaan carruurta bulshadani oo xuquuqdooda waxbarasho helaan taasoo uu aad xil uga saaranyahay waalidiinta iyo waxgaradka kale ee deegaanka marka uu jiro dugsi shaqaynaya, isla markaana dhiirrigelinaysay inay bulshada deegaanka Maraaggu ku dadaalaan inay iska kaashadaan xoojinta iyo horumarinta waxbarashada deegaanka haddii ay tahay inay wax ku kordhiyaan, tayada, tababarnaanta iyo daryeelka macalimiinta iyo waliba inay ku dadaalaan inay yeeshaan dugsi Boarding ah sida  bulshooyin kaleba qabsadeen Somaliland. Sidoo kale, waxay Hodan Guuleed ballanqaaday inaanay waxba hagran doonin wixii hay’adda SAFE la qaban karayso dugsiga Maraagga iyo dugsiyada la midka ahba.  Hodan Guuleed waxay u mahadcelisay   ciddii ay ka wada shaqeeyeen fulinta dugsigan dhinaca Maraagga.

Dhinaca kale Ambasaador John Price oo ah dibloomaasi hore oo Maraykan ah, isla markaana ka gacan siiyay hay’adda SAFE hirgelinta mashaariicdan ayaa aad u darsay xaqiiqada ka jirta dugsiga iyo waxa kale ee ay u baahanyihiin, waxanu tilmaamay in  deegaan kasta ay ka jiraan baahiyo badani dhinaca waxbarashada iyo dhinacyada kaleba loona baahanyahay in  hadba wixii la qaban karo la qabto. John Price  wuxu uga mahadceliyay Xidhiidhiyaha Dugsiga iyo Hay’adda iyo guud ahaan bulshada Maraagga sida diiran ee ay  usoo dhaweeyeen iyo waxqabadka muuqda ee dugsiga Maraagga.  John Price wuxu aad ugu farxay markii uu gidaarrada dugsiga Maraagga iyo fasalladaba ku arkay  sawirro  isagoo carruur ah iyo isagoo nin  waayeel ah oo ay ku soo dhaweeyeen ardayda dugsiga Maraaggu.

 

www.safeeducation.org

www.ambassadorjohnprice.com

 

Xasan Afgaab

hasanafgaab@gmail.com

Comments are closed