|

MIYAANU DAMIIR BA LAHAYN ?!

Dabeecadda Aadamaha ee noloshu dirqiyayso ayaa dhigaysa in lawada jarmaado oo qofba nolosha meeshuu ka qaban karayo kaga qaybo, waayo haddaynaan garashada waydaynin oo aynnu si togan u fikirno, majiro qof aan nolosha kayd ku lahayni. Taas baan aniguna kala masso ahay dadka iga tirada badan ee uuman (abuuran). Waxaan ahay arday jaamacadeed ku sugan dalka Itoobiya kana durduurta aqoonta wixii uu ka gaadho kana geyoon karo. Socdaalkii aan ku imid Itoobiya ka hadalkiisa kuma talo jiro, maxaa yeelay waxan bayr  iyo baf ka qabaa in qalinku ila taraaro, qoraalkuna igu qaro ballaadho.

Goobtu waa Addis ababa. Ka sokow dhigashada tacliinta iyo dhigaalka aan meesha u joogo waxa ii dheer hawlo kale.  Cidi iima dirsan oo igulama xisaabtamayso, waqtiga ayaa se ii diray ana waan isku dirqiyay.

Waan ogay in waydiinta akhriste kasta maskaxdiisa kasoo fad-kudaysaa ay tahay: talow muxuu qabtaa ? Waa maxay hawlahaa kale ee uu la mataaneeyay waxbarashadiisii ? Mooyi!

Haddii  aan surma-seego salfudayd igama ahee saamax baan dalbayaa.

Ma rabo inad iga mashquushaane, ha dhexquusina hana ku qarqoomina waydiintii hore balse waatan warcelinteediye iga hooya:  “ ka falcelinta dhacdooyin tiro beelay iyo dhugashada dadka iyo deegaanka aan la noolahay/ku noolahay ayaan iyagana ku fooganahay. Ha ahaadaan dadkaasi kuwaan halkan ugu imid amase kuwii aannu isku barada ahayne, ha ahaato deegaantu tan aan wax ku bartay amase taan kusoo barbaaray kana soo baqoolaye.

Ha hilmaamina in aynnu hadda ku suganahay Addis ababa, anigu jaamacaddii ayaan weli kawadaa idinna akhriska ayaa idin keenay intiinna ka baxsan ee aan ila joogin, inta ila joogta waabannu wada joognaa aannu kala muraad geddisnaanabee.

Sidaan anba waxbarashada ugu garbo duubanahay ayay walaalo kale iyo saaxiibbo kalena ugu ham iyo dig leeyiin  boosas kale oo nolosha ka bannaan, qofba halkuu is yidhaa waad buuxin karaysaa.

Sidaad idinkuba u leedihiin asxaab badan ayaan aniguna u leeyahay kuwo kale, ma aqaan kuwiina iyo kuwayga qaar badan balse kuwo kastaa ha bataane waxan hubaa inaydaan asxaabtiinnii dhammaantood isku meel kuwada sugnayn, oo qaarkood waayuhu idin kala geeyay idin na kala go’doomiyay.

Alle haw naxariistee fannaankeenii AXMED MOOGE LIIBAAN  hees uu ku luuqayn jiray ayaa waxa kamid ahaa:

Taariikhda dunidaa

iyadoo is daba taal

Ninba meel ku tuurtee!

Sidaayoy tahay haddana  aniga inta waayuhu na kala geeyay mooyee intii kale qaar kamida ayuu haddana halkan (Addiis) nagu kulansiiyaa sifaday doonaanba haku yimaaddaane, mase ila wada toolmoona aniga ujeeddooyinka  ay u yimaaddaan ee waxa ku jira kuwo aan ila toosnayn.

Waxan  qalinka ku xejin doonaa qaar kamida dhacdooyinka aan kala kulmay kuwo kamida jaallayaasha oo aannu halkan (Addiis) ku kulannay, dhacdooyin hore oo aan cajaladda dib u yara celiyay iyo kuwo aan mala’ awaalayba.

Bilaha Sibtembar iyo Oktoobar ee sannad  kasta waxa magaaladda Addiis laga dareemaa duufaan aannu doobir nidhaa! Kagana badbaadno balse dad ma wada  samatabaxee waxay sahayataa qaar kaloo naga mid ah (reer Addiis ah) iyo kuwo badankooda ay nala soo marto oo ay kasoo waaridday waddan kale iyo fogaan kale. Allaahu mannajaynaa!  Waa duufaan lagu sheeg-sheego buufis oo halaagtay badiba dadyowga ku abtirsada  waddamo ay reer galbeedku u yaqaannaan dunida soo koraysa iyo ta saddexaad  oo ay Soomaaliyana kujirto. Buufiska ayaaba is dhaamee kani waa mid xagjir ah oo lagu sheego “TAHRIIB”.

Waa cudur hoojiyay oo halaagay Soomaali tiro beeshay oo saxaraha ku siriray kuna saloolmay, kadibna kuba qudh baxay, waa masiibo badaha liqsiisay oo ku hafisay kuwo kale oo tiro badan oo aynaan ka samrahayn. Waa dhibaato inkale oo intaa  kasoo hadhay ku khaarajisay jeelasha  waddamadii ay sii dhexmarayeen iyo kuwo ay tageenba,  qaar dhaxani ku dardhiso, kuwo cunto xumo iyo cunto la’aani ku dubato, kuwo kaloo lagu jidh dilo iyo falal kale oo xanuun iyo xadanto badan. Waxba yaan quluubta iyo caloosha idin rogine aynnu  intii dhimatay faataxada u marno haddana aynnu guntiga u gaabsanno inaynu beegsanno badbaadinta inta imika bed-qabta.

Oo maxaad iska wareerinaysaa ?.  Dee maanaa is wareeriyayba sawnigan iska deggan ee waxna iska barta.

Waxan aad baranayso halkad kaga shaqaynayso ayaan garan la’ay saaxiib!

Saaxiib ha garanwaayine, waxan aan baranayo waxa lagaga shaqayn karaa, meel kasta oo Aadame ku noolyahay.

Saaxiib maxaad isla yeelyeelaysaa ma waddan wax loo bartaa baynu ka nimid waa meeshaad ogayde ?

Oo talow meeshan  aannu kawada nimid ee uu saaxiibkay ii sheegayo dadkeedi maanu annaga ahayn ? ma cidkale oo aan u dhalan, noogana lexejeclo badan ayaa uuman (abuuran) oo noo soo waydaaranaysa si  ay u daryeesho ?  Bal adba!

Saaxiib kuwii horee jaamacadaha  ka baxayba iyagoo makhaayadaha fadhiya ayaan kasoo tahriibay ee intad dhawdhawdahay ka tasho oo ka tahriib.

Oo maxaa fadhiisiyay ee ay u shaqo tegi waayeen ?  haddii ay maqaaxi fadhiisanayaan maxay iska daalinayeen ee ay wax ka baranayeen, maanta  iyagaaba maqaaxiyo la fadhiisto yeelan lahaaye ?  yaab iyo amakaag iyo is qabanwaa badanaa !

Waydiimahan aan warcelinnahooda idiinku ladhay waxa igu soo wadhfiya, igu wareeriya,  igu wareemi gaadha, iguna qarqiya qaar kamida saaxiibbadayda badan ee caynba caynka ah.

Raalli ahaada hadduu qalinku ila daaq tegay, jeer  aan  durugsanayn ayaan soo dabbaali doonaa oon dooh! Odhan doonaaye.

 

Jaamac  waa LAB kamida asxaabta aannu is naqaanno.

Ma  gu’ wayna oo  wuxu jiraa rubuc-qarni keliya (shan iyo labaatan gu’),  mana  gu’ yara oo waa kuray xoogle gaashaan qaad ah, joog iyo jamaalna Eebe kama qadin, waase nin iyo garashadii oo geeddiga  garaadka ayaa ninba gego’  la dega.

Meesha iyo madashu waa Addis ababa sidaan hore idiinku sheegay. Anigu weli jaamacaddii baan wadaa, intiinna aan ila jooginna akhriska ayaa idin keenay, isaga se (Jaamac) waxa keenay muraad kale oo innaga geddisan.

Waa  Lug-maal  dhaarsan, oo ay ka go’antay inuu saxaraha ku safro, inu jeelasha kusii raaxaysto hadday dani baddo, aakhirkana uu badda biyaha madow laba ka kala dhigo haddii Eebbe ku samato bixiyo.

Alla calool adagaa, mar cabiidsanaa, markalena cawwaansanaa oo caqli yaraa, garashada lagaa qaadna odhan kari maayee hayska jala buteeyo!

Talooyin aanan hagran, una hagar-baxay oon u gacal miissay ayaan si deggan oo cod hoose iyo mid sareba leh aan ku daldalay saaxiibkay, nasiib darrose waxay iska noqdeen hal bacaad lagu lisay iyo xoog doofaar lagu eryaday ( markad tahay qof muslin ah haddii aad maantoo dhan doofaar eryato/caydhsato  oo aad dabeed sooba qabato….doofaar cadna ka cuni  maysid caanana ka dhami maysid oo sidaas buu xooggaagi ku noqday mid khasaaray, waana sababta aan taladii aan bixiyay ugu tilmaamay xoog doofaar lagu eryaday ilayn may taabbo geline). Saaxiibkay waxaabu talooyinkaas u haystaa: “ habar bayska hawhawlee heellada inoo tuma”.

Cidi uma maqna oo uma dhoofsana, ceelna ugama qodna waddankii oo hanti kuma lahayn ugamana danbayso, kadibna  wuxuu miciin biday inuu Yurub (qaaradda Yurub)  u lugeeyo….oo waxaa halqabsi ,halhays iyo hees-walwaaleed u ah baydad kamida hees qassiido ah oo uu ku luuqeeyo CUMAR AADAN, waxanay tidhaa:

HADDAAD GEYI DHEER JECLAATO

CID KU GEYSANA  AD WAYDO

LUGTAA LAGU GEEDDIYAAYE!.

 

Intaasoo keliya kuma koobna albamka heesaha, hawraaraha iyo murtida uu ku safar gelayaaye, waxa kaloo kamida odhaaho ay nafta ku sabaan qolyahan tahriibayaasha ahi.

“ ragga socodku waw door, hadduu mowdku daayo”.     “ shil ku dhimo nin ragi wuu geyaa, sharafna noolow”.  Intaas iyo kuwo kale ayay isugu luuqeeyaan, uguna jecelyihiin wax ay dhegahoodu maqlaan.

Jaamac  reerkooda oo danyar ahaa aawadeed sidii iskuulka lagaga saaray ee loola tacaalay Ilaahay uun baa ogaa. Dhawr sanno kahor ayuu dhammaystay dugsiga sare, jaamacadse looguma darin oo loomaba haynin isna maba danaynahayn oo iskuulkaaba dirqi ku ahaa.  Jaamac laba iyo toban sanno oo lagu soo tabcayey iskuullana  laga saaray oo wax lasoo baray kadib muu shaqo tegine, wuxu dabbaal-joogtaynayaa bad wayn lagu hallaabo oo marxaladda dhallinyaranimada qaar innaga mid ahi ku yara leexdaan iyadoo rajadooduna tahay inay bal mar uun kasoo laabtaan, kuwo kale se  baddaasi way liqdaa oo innooma soo celiso, magna innagama siiso. Halkaasuu yara booqday Jaamac na, waaba kan jacayl iyo jahawareer kale bilaabay oo waxay is calmadeen inay is calfan mooyiye  Muuna  oo ay isku iskuul ahaayeen balse imika jaanis laysku helay, xiise yar iyo walaaltinimo qalin isu dhiib ahaa oo waqtiyadii iskuulka dhexmari  jiray waaba tan loo beddelay jacayl heegga goostay, dhuuxana raacay, oo dhiigga laysu shubo.  “ ma xasuusataa Muunaay dharaartii  innaga oo imtixaan ku jirna uu qalinku iga istaagay dabadeed macallinku ardayda weydiiyay: yaa qalin labaad haya ?. Ee intad il naxariisle, oo aan dareen ka madhnayn igu eegtay  aad tidhi: macallin hoo qalinkan sii ?

“ K k k k k k k, naga daa Jaamac ha baadh baadhin beri samaadkiiye”.

Waa kan imika Addiis tahriib kujooga. Hooyadii waxay guura gashaa oogta waaberi oo suuqa ayay ka shaqaysaa, goor gaaban oo fiid ahna ay dib uga soo carrawdaa iyada oo lasoo hoyata wixii maalintaas Eebbe uga calfo. Waa hooyo karti badan oo aan ahayn hooyo keliya balse wada ah  Aabbe iyo hooyo, iyadoo ku mutaysatay geed adaygnimo, xilkasnimo iyo weliba karti seetada goosatay oo aan loo babac dhigi Karin, sidaas bay kusoo korisay carruur Jaamac u waynyahay iyo aabbahood oo waqtiga iyo waayuhu dabreen oo ay  laba dibleeyeen.

Kadib soo tahriibistiisii. Hooyadii ma hadh gasho, hurdo way kala hulleeleen, hammuun cunto u qabata iyo harraad oon uqabtana hadalkoodaba daa.  Saaxiibkay Jaamac se isagu ma qabo kulkaas, kaarkaas, werwerkaas, walbahaarkaas iyo waalli kudhawaadkaas ay hooyadiisii macaan la baaxaa degayso.

Isaga kama qasna oo halkanuu ku laba legdoonayaa sariir barkimo dheeri  guudka ka saarantahay oo dhexqotonta hudheel aan anigu la kireeyay ilayn keligay ayuu iga gartay magaaladda marku soo galaye.

Akhristoow bal isbarbar dhig labada xaaladood ee ay ku kala suganyihiin wiilkan iyo hooyadii…. Miyaanay maankaaga kusoo dhicin maahmaahda  Soomaaliyeed ee tidhaahda:  NIN AAD DHASHAY KUMA DHALIN!  Miyaanay maahmaahdani ka falcelinaynin  debecsanida iyo  naxariista hooyo iyo dammanaanta,  ama moogganaanta ubadkii ay dhashay ee ay ifka keentay ?.

Sidaasoy tahay haddana lagama yaabo inay habaarto hooyadii, balse  weli waxay leedahay:

Anigu ku habaari maayo

Huqbaase ku raadinaysa

Hibaaq xalan maad ahayne

Hufnaanta dhibtii abuurtay

Inaanay hadhayn yiqiinso!

Hawaala adduun rabbaa og

Dadkuna kala hoodo weeye

Haddeer iyo tii haddeer

Hadhow iyo tii hadhow

Hoos iyo sare tii ku raacda

Anuun baa hooyadaaya.

 

“ Anuun baa hooyadaaya”. M. I. W. Hadraawi.

 

Waxay dhallinyarada tahriibaysaa daliil ka dhigtaan inay quuddarraynayaan nolosha ay hadda ku noolyihiin, ayna door bidayaan ku doorsashada tu kaloo ka toolmoon, si dabadeed tacabkoodu u maasheeyo waxna uga beddelo dadkooda, ehelkooda iyo dalkoodaba .  kani se  mid maaha!  Oo waxaasba uma tahriibayo, mana dareensana oo kumaba tashanin baahida iyo daltabyada ka muuqata dadkaagii kugu soo tabcay adigu soo dabool, waase dammane, haddana dabbaal ah oo isagu wuxu usoo tahriibay Muuna ayaa ku dirqiday inuu guursado oo uu meelaysto  maadaamoo  ay iskuulkii dhammaysteen, jacaylkii dhexyaallayna uu imika heegga iyo hoggaankaba goostay, si kaloo uu ku hagaagayaana ayna jirin hoy  ay wada galaan maahaane, maadaama oo jaamacad iyo wax kale  oo sii kala mashquuliyaana aysan jirin.

 

Marka dhugmadaadu cabbaysantahay maxay dhaayahaagu  dhacdo yaab leh iyo dhakafaar  ay dheehanayaan, qalinkuna uu hadba mahadhooyin qorayaa.  Jaamac  waxa kasii horreeya  jidkii  aynnu kasoo sheekaynay bilawgeennii ee hoog, halaag, hanfi, hagardaamo iyo huqba lahaa.  Garo oo diyaarad kuma duulayo ee doonnida daldaloosha ee dadka badda ku daadisa ka sokow wuxu sii dhexmarayaa dab iyo raran aan lays daryeelayn balse dacar iyo qadhaadh lays waraabinayo oo weliba lays dullaynayo, dadnimadana laysu diidayo, duudsiga iyo daandaansiguna uu tiro beelay.

Waxaasi se uma bidhaansana saaxiibkay oo  “ nin na dhoof baa ku wayn, nin na dhaqasho, nin na dhigasho”, siday aniga wax dhigashadu iigu wayntahay, nin kaloonu saaxiib nahayna dhaqashadu ugu wayntahay, ayuun buu Jaamac na dhoofkan bilaa tayada ahi ugu waynyahay,  Alle haku asturo e’.

 

 

Silic, saxariir, soomalhaad iyo  suuldaarooyin aan tiro lahayn oo uu sii maray kadib imika wuu gudbay, waanu samatabaxay oo Eebbe ayaa badbaadiyay.  Waakan imika jooga ee dhex mushaaxaya Yurubtii maqaalada uun ku ahayd haddase inu isagu cid uga  sheekeeyo mooyee, aan isaga cidi uga sheekaynahayn.

Saaxiibkay intii aanu indhihiisa ku arag, ee aanu malahiisu beenoobin wuxuu Yurub ka haystay muuqaal ka geddisan sawirkan dhabta ah ee uu imika indhaha ku hayo……..in badan ayay saaxiibbo uu lahaa ay ku akhriyeen in busaaradda, lacag  la’aanta iyo shaqo adag oo la qabtaa ay taallo Afrikadan madow balse haddii uu mar uun Yurub cagaha dhigo  ay noloshiisu is beddelayso  weliba bilaa tabcasho,  oo in la rafaado iskaba dhaafe xataa lacagta daadka laga reebo, waase beentood oo miskiinka jar bay ka xooreene sawkii Eebbe naxariistii janno hawgu deeqe Abwaan TIMACADDE lahaa:

Lama helo wadaadow waxaan

Cidi ku hawshoone

Naftaa loo hantaaqaa waxaad

Haybi leedahay!

“ C/laahi Suldaan Timacadde”.

 

Ma-shaqaystenimada iyo  ma-tabcashanimada waxa u raaca maan-gaabnimo iyo werwer la’aan nacasnimo ah oo maba dhaaddana, dibna uma milicsado tacabkii lasoo geliyay noloshiisa iyo weliba tacabkii lasoo geliyay safarkiisan ugu danbeeyay oo ahaa mid la la soo tacaaley iyadoon loo tahlahayn.

Intaasba ka sokow ma qirsana, mana  dareensana beer-qaadka, murugada iyo dhibaataduu u gaystay waalidkiis, gaar ahaan hooyadiis, oo iska dhaaf inuu imika abaalkeeda gudo e’   aanu xataa habeenna ku seexan cid baa kaa danbaysa. Alla wuxu garaad iyo garasho daranaa!

AYAXU marku meel  ka guuro sidaas kuma dhammaado ee wuxuu ka tagaa dhibaato iyo raad  xun oo la yidhaahdo “ EEL”.  Waxa sidaas ka dhigan Jaamac oo iyadoo hooyadiis  qabta nabarradii iyo boogihii hore oo aan weli cidi uga garaabin in laga daweeyo iskaba dhaafe, ayaa haddana waxa nafteeda iyo ruuxdeedaba gilgilaya mid kale oo Jaamac hoos uga yar oo aan gu’  weynayn isla markaana cudurkii Jaamac galay isagana soo hayo, oo marku arkay walaalkii oo badbaaday, isna badka soo dhigtay inuu baqoolo.  Garo oo  hiyi-kaca ku dhacay midkan yari waa EELKII uu ka tegay kii hore….………. Waxaan xasuustay sheeko uu maalin iiga sheekeeyay nin aannu saaxiibbo nahay, oo ku saabsanayd nin ay is yaqaanneen oo intay laba ay walaalo yihiin tahriibeen, kadibna badbaadeen, dabadeed isagana dadku ku odhan jireen:   hebeloow waa kuwa labadii aad walaalaha ahaydeenba tegaye maxaad adiguna u tahriibi wayday ee meesha ku dhigay?

kadibna wuxu ugu jawaabi jiray:  “ labadii hore eennu walaalaha ahayn ayaa tahriib ku bedbaadaye, baddu saddex walaalo ah ma sii wada deynayso ee ka ay la hadhaysaa (liqaysaa) aniguu noqonayaa, markaa waa inaan iska joogaa”.  waxaan uga socdaa haddii Eebbe Jaamac bedbaadiyay, waxaaba suurtagal ah inay baddu kan yar la hadho haddaan imika laga gaadhin.

 

Kolay idinna waad daasheen anigana hawl kale ayaa ii taalla ee nabadgelyo.

 

FIIRO GAARA: Sheekadan waxan ka allifay wadarta dhacdooyin dhab ah oo halkan( Addiis) igu soo maray, kuwo hore oon cajaladda dib u duubay, iyo kuwo aan mala’awaalay kadibna isu gayntooda aan idiinku dareeriyay sheekadan.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Mawliid Cali ( Shandaqiiqo)

cabdiun@hotmail.com

Addis ababa, Ethiopia.

Comments are closed