|

Weftigii Wasiirka Gaashaandhiga ee Socdaalka ku tagay Degmada Xariirad oo dib ugu laabtay Magaalada Boorama

Hargaysa 27.March (SDN)  Weftigii ka socday xukuumadda Somaliland ee  uu hogaaminayey wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Md Axmed Xaaji Cali Cadami oo mudooyinkaba socdaal hawleed ku marayey buuraleyda sadex geesoodka ah ee Xariirad ayaa maanta dib ugu soo guryo noqday xarunta Gobolka Awdal ee Boorame.

 Xubnahan wefigan oo ay ka mid yahini wasiirada wasaradaha duulista iyo hawada iyo xanaanada xoolaha Md. Maxamuud xaashi cabdi iyo Dr Cabdi Aw Daahir ayaa warbaahinta uga xogwaramay go’aamadii ay ka soo saareen mashaqadii dilka ahayd ee dhowaan ka dhacday magaalada Xariirad, iyagoo caddeeyey in kulan ay la yeesheen labadii Ardaa ee ay ka soo kala jeedeen marxuumkii la dilay iyo ninkii dilkaasi gaytstay.

Wasiirka gaashaandhiga Md cadami waxa uu sheegay in toban maalmood oo keliya loo qabtay inay ku soo qabtaan ninkii dilkaas gaystay, halka sidoo kalena ay weftiga xukuumaddu tacsi ugu tageen qoyskii uu ka dhashay marxuumkii la dilay.

Xaaladda magaalada xariirad ayaa degan oo aanay xiligan ka jirin wax dareen ah iyadoo wax walia ay caadi u socdaan.

Dhanka kalena wefiga wasiirada ah ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay maamulka gobolka Awdal, ka degmada Boorame iyo  hogaamiyayaasha dhaqanka qaarkood iyadoo si weyn looga wada hadlay adkaynta xasiloonida iyo degenaanshaha Gobolkaasi.

Sida la ogyahay degmada xariirad waxay dhacdaa duleedka buuraleyda xuduuda sadex geesoodka ee dalalka Somaliland.jabuuti iyo itoobiyada federaalka ku dhisan.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed