|

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe

Johar March 27 2013 (SDN)– Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.

Xilbaanadan oo ka kooban 17-mudane ayaa ka anbabaxay Magaalada Muqdisho iyagoo safarkoodu dhanka  dhulka uu ahaa waxayna ay siimareen Magaalada Balcad oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka safarka Xildhibaanadan oo ka soo jeeda Gobolka Sh/dhexe ayaa lagu macneeyay u kuurgalida xalalada nololeed iyo mid amni ee gobolkaasi waxaana ay xildhibaanadu booqan doonaan degmooyin ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe iyo xubno ka tirsan Maamulka ayaa ku soo dhaweeyay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolkaasi waxaana la filayaa in ay in muddo ah ku sugnaadaan halkaasi.

Waa socdaalkii ugu horeysay oo nuuciisa oo kala ah oo ay Xildhibaano ka tirsan barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ka soo jeeda gobolkaasi ay ku tagaan Gobolka Sh/dhexe.

SDN-Jowhar

 

Comments are closed