Sierra Leon Oo Kun Askari U Soo diray Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya
Freetown March 27 2013 (SDN)– Sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxa dalka Sierra Leon dowladda dalkaasi ayaa diyaarisay ciidamadii ay u soo diri laheyd howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya.
Hogaamiyaha dalkaasi Ernest Bai Koroma ayaa sheegay in ay diyaariyeen Kun Askari oo ay uga qeybqaadanayaan howgalka AMISOM ee hada ka soconaya Soomaaliya.
Ernest Bai Koroma ayaa intaasi waxa uu ku daray in Ciidamadii ay Soomaaliya u soo dirilahaayeen ay diyaarsan yihiin islamarkaana ay u soo anbabixi doonaan Magaalada Muqdisho ee casimada Soomaaliya oo uu ku yaalo talisa AMISOM ee Soomaaliya.
Hogaamiyaha Sierra Leon ayaa u mahad celiyay dowladaha Maraykanka iyo England kuwaasi uu sheegay in Ciidamada ay u soo dirayaan Soomaaliya in aysiiyeen tabar heersare ah oo ay uga qeybqaadanayana howlgalka AMISOM.
Sierra Leon ayaa horay u balan qaaday Ciidamo ay uga qeyb qaadato howlgalka Nabada Ilaalinta Midowga Africa AMISOM hase ahaatee waxaa jiray dib u dhac markasta taaganaa kaasi oo u badana tabarka ciidamada la soo dirayo iyo dhaqaalaha ay ku soo baxayaan.
SDN-Freetown