|

HRW Oo Sheegtay in Wali Xadgudubyo ka dhan ah Haweyn ay ka jiraan Xiyaha Barkacayaasha ee kuyaalla Muqdisho

Nairobi March 27 2013 (SDN)– Sida saraakiisha hay’ada xaquuqda aadanaha ay sheegeen xadgudubyada ayaa waxaa geysanaya rag hubeysn oo ku lebisan dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in haweenka inta badan ka barakacay Gaajada iyo colaada ee ku jira xerooyinka Barakacayaasha Muqdisho ayaa hadana waxaa la sheegaya in si weyn ay kaga cabanayaan kufsi iyo dhac loo geysto.Hay’ada Human Rights Watch oo warbixintaan diyaarisay,islamarkaana ay baahisay BBC-da ayaa sidoo kale waxa lagu xusay in rag ku lebisan dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya ay dhibaato lixaad leh ay ku hayaan dadka barakacay ee ku jira xerooyinka Muqdisho gaar ahaan haweenka oo inta badan dhibaatooyinkaan u nugul.

Warbixinta ayaa intaasi waxay ku dareysaaa in Xukuumada cusub ee awooda qabatay bishii Septembar ee sanadkii tagay ayaa la tilmaamay inay sameysay hormar aan sidaasi u sii buurneyn oo wax looga qabanayo arintaan oo ay sheegeen dhulka Soomaaliya ay ku baahday.

“Baaritaan aan sameynay ayaa ku ogaanay dhibaatooyinka dhaca iyo kufsiga ee ka jira kaamamka barakacayaasha ee Muqdisho”sidaasi waxaa sheegay Mr David Mepham oo ah agaasimaha xaquuqda aadanaha ee Britain.

Kooxda ayaa sheegtay in maamulayaasha xeryaha, oo inta badan xiriir la leh ragga hubaysan ay weecsadaan cuntada iyo gargaarka kale.

Maamulka xeryaha ayaa noqday mid lacag badan lunsada, ayay sheegtay warbixintan, oo tilmaamtay in maamulayaasha ay ka hor istaagaan dadka ku jira xeryaha inay ka baxaan halkaas.

Hayeeshee waxay hay’ada ay shaacisay in Soomaaliya kaliya aysan ka jirin xadgudubyada loo geysto haweenka,balse waxaa jira dhibaatooyin kala duwan oo laga dhexlay colaadaha iyo abaaraha Soomaaliya.

Comments are closed