|

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Furitaanka Shir Madaxeedka Jaamacada Carabta

Dooxa March 27 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta ka qeyb galay Furitaanka Shirka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha waxaa wehelinayey Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Nuur Gacal, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar Ambassador Cumar Sh. Cali Idriis iyo Ambassador Cabdulahi Xassan Maxamud oo ah wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta.

Amiirka QadarAmiir Xamad bin KhalifaAl Thani oo shirka furay ayaa sheegay in Dowladda Qadar ay ogsoon tahay isbedelka cusub ee Soomaaliya ka dhacay, Dowladiisuna ay taageero buuxda siinayso had iyo goor.Wuxuuna ka codsaday Caalamka Carabta inay taageero dhan walba ah ay siiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay shirkan qorshaha dowladda ee ku aadan sidii loo gaarsin lahaa dhamaan goboladda dalka adeegyada bulshadda. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay midnimadda Soomaaliya iyo Soomaaliya oo nabad ah.

Mar uu la kalmay madaxa wafdiga Cumaan Mudane Sayid Fahad Bin Mahmoud ayuu Madaxweynuhu ku wargeliyay “ Dowladda cusub ee Soomaaliya hadda ka jirta waxaa ka go’an in ay shacabka ay u adeegto, oo ay amniga dalka sugto. Sidaas darteed waxaan xooga saarnay amniga.”

Madaxweynaha ayaa Kulamo kala duwan la qaadanayey qaar ka mid ah Madaxda dalalka Carabta wuxuuna tilmaan buuxda ka bixinayey Soomaaliya iyo sida ay diyaar ugu tahay Sinaan, Cadaalad iyo Nabad waarta. Kulamadan ayaa waxaa ka mid ahaa Kulan uu Madaxweynuhu la qaatay Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Turkiga mudane Ahmet Davutoglu. Wasiirka ayaa ku aamanay Madaxweynaha horumarka baaxadda weyn ay dowladdagaartay. Waxeyna ka wada hadleen qorshaha ay dowladda ku dooneyso iin ay ku balaariso adeega bulshadda.

SDN-Dooxa

Comments are closed