Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay qorshe Al Shabaab ay ku damacsaneyd in ay ku Afduubto Shaqaale Qaramada Midoobey oo dalkooda ku sugan
Adis Ababa Mar 27,2013(SDN)-Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay fashiliyeen afduub ay kooxda Al Shabaab damacsaneyd in ay ka fuliyaan guddaha dalka Itoobiya.
Sirdoonka Itoobiya waxa ay sheegeen in afduubka lala damacsanaa shaqaalada Qaramada Midoobey ee ka hawgala dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxa xabsiga la dhigay sideed ruux oo lagu eedeeyay in ay damacsanayeen in ay afduubka geystaan sida ay sheeciyeen saraakiisha amaanka ee Itoobiya.
Sirdoonka Itoobiya waxa ay sheegeen in Shabaabku bartilmaansanyeen in ay afduubaan shaqaalaha barnaamijka cunada aduunka ee WFP.
Qorshaha Shabaabku waxa uu ahaa in ay shaqaalaha la tagaan Soomaaliya ka dibna ay dalbadaan madaxfurasho.
Sirdoonku qoraal ay arintan ka soo saareen ayaa lagu sheegay in dadka la qabqabtay ay siteen hub isla markaana laga qabtay Doolo cado oo ah degaan ay ku yaaliin xeryo qaxooti Soomaaliyeed ay ku jiraan.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com