Xisbiga Kulmiye oo Qoraal uu soo saaray ku cadeeyay in Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbigaaas la qaban doono 31 Bishan
Hargaysa 26.March {SDN} Qoraal ka soo baxay Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye oo Mudooyinkii u danbeeyay uu ka dhex Oognaa Khilaaf salka ku haya Qabsoomida Shirweynahoodii isla markaana dib loo dhigay ayaa Mar kale waxa ay Sheegeen in la qaban doono Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye 31 bishan March.
Waxaana Sidaa lagu Sheegay Qoraal Wargalin ah oo uu ku Saxeexan yahay Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad) kaas oo uu ku Xusay inuu ku wargelinayo dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inay ka soo qaybgalaan shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo dhici doona 31/03/2013, ahna maalin Axad ah, kana dhici doona Huteelka Maansoor markay saacaddu tahay 9:30 subaxnimo, shirkaas oo socon doona hal maalin.
Mar labaad dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE waxaan ku adkaynaynaa inay ka soo qaybgalaan shirkaas oo aanay ka maqnaan.
Si kastaba ha ahaatee Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya Xili Madaxweynihii Somaliland iyo Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ay Safar ku Joogaan Wadanka Imaaraadka Carabta inkastoo wararka soo baxayaa ay sheegayaan in maalinta berri ah ay madaxweynaha iyo weftigiisu dib ugu soo laaban doonaan dalka
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com