Wefti Wasiiro ah oo Maanta Gaadhay Degmada Xariirad ee Gobolka Salal
Xariirad 26.March {SDN} Wasiirka wasaaradda Gaashaan dhiga Md Axmed Xaji Cali Cadami iyo wafti uu hogaminayo ayaa maanta gaadhay degmada xariirad ee gobolka salal socdaalkaas oo la xidhiidha u kuurgalida hawlaha nabad galyada ee degaankaasi .
Wasiirka iyo waftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir iyo wasiirka duulista iyo hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maalintii shalay socdaal shaqo ku tagay xarunta gobolka awdal ee Boorama ayaa maanta u gudbay dhinaca gobolka salal isla markaana gaadhay dagmada xariirad .
Waftiga oo socdaalkooda uu ku weheliyay gudoomiye ku xigaeenka gobolka awdal mudane cabdi nuur sugaal ayaa markii ay gaadheen dagmada xariirad waxa halkas ku soo dhaweeyey maayeka dagmada iyo taliye ku xigeenka hogaanka ciidanka birmadka .
Wasiirka gaashan dhiga oo ciidamada qaranka ee degmadaas ku sugan hadal u jeediyay ayaa ku bogaadiyey doorka ay ka qaataan hawlaha nabadda , kuna adkeeyay inay dadaalkooda ku wajahan arimaha nabad galyada degaankaas ay sii laban laabaan.
Waftiga ayaa inta ay ku guda jiraan socdalkooda degmada xariirad waxa ay kulamo kala yeelan doonan duqayda iyo waxgaradka degaankaas sidii loo sii aadkayn lahaa nabad galyada .
Weftigan ayaa noqonaya Markii u horaysay ee ay Jiida deegaankaasi gaadhaan tan iyo intii ka danbaysay markii ay rabshado gacan ka hadal ahi ku dhex maray Beesha Ciise iyo Samaroon,taas oo ka dhalatay Xanaftii doorashadii Golayaasha Deegaanka oo ay gebi ahaanba qaadaceen Natiijadeeda beesha Ciise.
Xariirad SDN.
qurbejoog@gmail.com