Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Qadar
Muqdisho March 26 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Max’ud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho ayagoona u kici timay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.
Madaxweynaha oo sodaalkiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ayaa warbaahinta uga warbixiyey ujeedka socdaalkiisa, isagoona sheegay in uu ka qeyb geli doono shirka madaxda wadamada carabta ee sanadkiiba mar la qabto kaasi oo dhawaan ka furmi doona magaalada Dooxa ee caasimada Dalka Qadar.
Xassan Sheikh Max’ud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in inta uu joogo Dalka Qadar uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono qaar kamid ah madaxda wadamada carabta oo qaarkood heshiisyo horu dhac ah ay horay u gaareen.
Madaxweynaha ayaa inta uusan dalka ka ambabixin waxaa uu si ku meel gaar ah u magabaabay agaasimaha hay’ada nabad sugida oo loo magacaabay nin magaciisa lagu soo koobay Cabdi Kariin oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa ee hay’ada nabad sugida, ayadoona agaasimihii hore ee hay’ada nabad sugida uu maanta ku dhawaaqay is casilaadiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Max’ud ayaa ka qeyb galka shirkani u noqonaya kii ugu horeeyey ee shirka madaxda wadamada carabta ay sanadkiiba mar yeeshaan tan iyo markii uu la wareegay xafiiska madaxtinnimada Soomaaliya.
SDN-Muqdisho