Qof ku Dhintay Tuulada Garabis iyo Dawgii Degmada Sheekh oo la Xidhay kadib markii ay Dhagxaan Waaweyni ku soo Rogmadeen Wadadii Gaadiidku marayay
Hargaysa 25 March { SDN} Gudoomiyaha Degmada Fara weyne Faysal Maxamed Jaamac ayaa maanta Sheegay in hal qof ku dhintay Lix kalena ku dhaawacmeen dabaylo xoogan oo ka dhacay Shalay Galab deegaanka Garabis,Sidoo kalena Maamulada Aw barkhadle iyo Mandheera ayaa digniin u diray gaadiidlayda,halka gebi ahaanba la joojiyay isu socodka gaadiidka ee Dawga Sheekh .
Gudoomiyahani Fara weyne waxa uu Xusay in dabayshani ay burburisay Sideed iyo Sodon Guri oo isugu jira Guryo dhagax ah iyo aqal soomali .
Gudoomiyaha waxa uu intaas ku daray in badi Jiida deegaankaasi uu si weyn uga Curtay Raxmaadkii Gu’ga oo dal iyo dadba lagu qabawsaday.
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Sheekh Ibraahin C.laahi Cabsiiye ayaa Dhiniciisa ka sheegay in Roob weyn oo mudo sadex saacadood ka badan uu ka da’ayay Jiida degmadaas,waxa uu Gudoomiyuhu Cadeeyay in Jidka Dawga Sheekh ay ku soo rogmadeen Dhagxaan Waaweyn kuwaas oo gebi ahaanba Joojiyay Isu socodkii Gaadiidka .
Dhinaca kale Gudoomiyeyaasha Aw barkhadle Maxamed Xasan Daahir iyo Degmada Mandheera Yaasiin Yuusuf Axmed oo Khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa ka dalbaday Darawaliinta gaadiidku inay badbaadiyaan nolosha dadka Shacabka ah isla markaana ay u hogaansamaan in Mudada uu dooxu Socdo aanay gaadiidku mari Karin dooxooyinkaas.
Gudoomiyaha Aw barkhadle Maxamed Xasan Daahir waxa uu intaas ku daray in Laag ka mid ah Dooxa awbarkhadle uu khasaare ka soo gaadhay biyaha Xoogan ee maraya waxaanu ka dalbaday Wasaarada hawlaha Guud inay ka hawl gasho sidii loo hagaajin lahaa Laagtaas.
Dhinaca kale Roobab Mahiigaan ah oo Shalay ilaa Xalay ka da’ay deegaanada degmada Baki ee Gobolka Awdal ayaa khasaare soo gaadhsiiyay Dalaga Beeraha , waxaana sidaa noo xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Baki Maxamed Axmed Maroore .
Sidoo kale Dooxooyinka Ceel gaal iyo Wayso cad ayaa waxa uu daad ku qaaday laba gaadhi oo ka mid ah kuwa isaga kala goosha deegaamadaasi.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com