DALKU MA TALO QARAN AYUU U BAAHAN YAHAY MISE SHIR BEELEED?!!!!!!! G. XIGEENKA XISBIGA UCID KAMPALA UGANDA
(KampalaSDN)Asalamu Alaykum, salaan ka bacdi fikirkayga oo aad u kooban hadaan ka hadlo,
Markaan arkay halka ay wax marayaan ama lagu wado dalkii SOMALLILAND ee lawada lahaa Qaranimadiisa oo aan lala tashanayn dadkii reer somalliland,
Taladiisiina ay ku suu uruurtay in yar oo wax magarato ah oo madaxtooyada dhex fadhida oo awoodii dalka muquunsatay.
Dalkii Bari iyo Galbeed waxa ka taagan,
Sadbursi ka dhex taagan beelihii S/land,
Caasimadii oo hawlo amaan daro loogu qaban waayay ciyaarihii Gobolada,
Commisionkii doorashooyinka ee dhibta maanta taagan ka masuulka ahaa oo wali indho adayg la soo taagan halka ay iska casili lahaayeen,
Arinkii XAQSOOR oo wali aan la dawayn, dadkii lagu gumaaday mudaharaadkiina wali aan dadkii ay ka bexeen haday tahay waalidkii dhalay AABO, HOOYO aan wali loo tagin, magtiina aan la siinin ay xaqa u lahaayeen.
DALKU MA TALO QARAN AYUU U BAAHAN YAHAY MISE SHIR BEELEED?!!!!!!! G. XIGEENKA XISBIGA UCID KAMPALA UGANDA Asalamu Alaykum, salaan ka bacdi fikirkayga oo aad u kooban hadaan ka hadlo, Markaan arkay halka ay wax marayaan ama lagu wado dalkii SOMALLILAND ee lawada lahaa Qaranimadiisa oo aan lala tashanayn dadkii reer somalliland, Taladiisiina ay ku suu uruurtay in yar oo wax magarato ah oo madaxtooyada dhex fadhida oo awoodii dalka muquunsatay. Dalkii Bari iyo Galbeed waxa ka taagan, Sadbursi ka dhex taagan beelihii S/land, Caasimadii oo hawlo amaan daro loogu qaban waayay ciyaarihii Gobolada, Commisionkii doorashooyinka ee dhibta maanta taagan ka masuulka ahaa oo wali indho adayg la soo taagan halka ay iska casili lahaayeen, Arinkii XAQSOOR oo wali aan la dawayn, dadkii lagu gumaaday mudaharaadkiina wali aan dadkii ay ka bexeen haday tahay waalidkii dhalay AABO, HOOYO aan wali loo tagin, magtiina aan la siinin ay xaqa u lahaayeen. Gudoomiyahii guurtida hadaladii ka soo baxay ee ay ka midka ahaayeen wadanka SIILAANYO AYAA U ELLAAHA Dadki iyo dalkii amakaag ku riday. Golaha guurtidu gole sharaf iyo amaan mudan ayay ahaayeen intii aan gudoomiya maanta jooga aan la dooran waxaa khalad ahayd in isaga oo ODAYGII SOMALLILAND joogo (XAAJI CABDI WARAABE) in taladii guurtida gacanta loo galiyo dad aan ehel u ahayn samaanta iyo xumaantu uu kala socasn tahay. Gobolkii AWDAL oo ahaa halkii ay ka timid ama dhashayba SOMALLILAND oo markii aad dhag jalaq loo siin waayay waxa ay ka cabanayaan, maanta shir beeleed laga abaabulayo haku saxsanaadaan ama haku khaldanaadaan kolayba cabasho ayaa jirta ay ka cabanayaan maamulkaaga maanta talinaya (DHARIGA KULAYLKA WAXAA KA KEENAY KULAYLKA. Waxaas oo dhan waxaa ka masuul ah dawlada maanta talinaysa ee cod shacab ku timid taladiina ku soo uruurisay MADAXTOOYADA. DOCTOR, MUJAAHID MADAXWAYNE SIILAANYO adiga oo u ehel ah waxaas oo mansab ah miyaad garan wayday halka ay wax ka khaldan yihiin, waxaan kuu sheegi lahaa in aad wax magaratan jeelka kugu xidhatay aad iska caabiso. DOCTOR, MUJAAHID MADAXWAYNE SIILAANYO, gacantaada yayna ku burburin Somalliland DOCTOR, MUJAAHID MADAXWAYNE SIILAANYO, nasteexada dadkaaga dhagayso hadii kale meel xun ayay wax marayaan hadii aan laga hor tagin dadka la tasho daraasad ku same halka wax marayaan Dalku ma ka maarmaayaan talo qaran ama