|

Kulan lagu darsayay Meel Marinta Nidaamka Xukun daadajinta oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 25 March { SDN}  Kulan lagaga hadlayey  meel marinta Siyaasada dawladda ee maamul daadejinta  oo uu gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuriyada Somaliland Mud,C/raxman C/lahi ismaaciil Saylici  ayaa maanta lagu qabtay  huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo  loo qabtay Qaar ka Mid ah Wasaaradaha dawlada waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada arimaha Gudaha  Mud,Cabdi-samad  Cumar Maal,waxaanuu tafaasiil ka bixiyey ujeedada kulan-kan loo qabtay oo uu sheegay inay tahay sidii loo meel marin lahaa siyaasada  dawladda ee Maamul daadejinta si hay’adaha dawliga isla markaana ay ugu adeegaan Bulshada hanaan hufan oo Wax tar leh.

Agaasimaha Guud waxa uu intaa ku daray in siyaasada  maamul daadejintu ay tahay  hanaanka  suura gelinaya  in ay shacabku ka qayb qaataan maamulka ,ilaa heer tuulena la gaadhsiiyo dhamaan xafiisyada  hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guduhu waxa uu xusay  in laysku afgartay in la sameeyo guddi farsamo  si ay u fudu-daato meel marinta Siyaasadani..

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay,  Agaasimaha  Gobolada iyo Degmooyinka  ee wasaarada arimaha Gudaha Maxamed Cali,waxaanuu sheegay in howshani tahay mid khusaysa wasaaradaha adeega  bixiya ee heer degmo. Waxaanuu agaasimuhu xusay in howshan  meel marinta  siyaasada maamul daadejinta uu madaxweynuhu u magacaabay Guddi uu gudoomiye u yahay M/xigeenka, si ay u hir-gasho wasaarad walibana ay adeegeedii u baahiso.waxaanuu intaa raaciyay in sharkan maanta uu yahay mid ujeedadiisu  tahay in laysla qaato siyaasada Guud ee lagu wada shaqaynayo.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed