|

Gabar Wariye Ah oo Xalay Lagu dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho March 25 2013 (SDN)– Kooxo hubaysan ayaa xalay waxa ay Magaalada Muqdisho ku dileen gabar la sheegay inay la shaqeynaysay Radio Cabudwaaq oo kamid ah Idaacadaha maxaliga ee ka shaqeeya Degmada Caabudwaaq.

Iyadoo dilka Gabadhaasi warar kala duwan ay kasoo baxayeen ayaan waxaan la xiriirnay Agaasimaha Radio Caabudwaaq C/kariin Axmed Bulxan,isaga oo sheegay in gabadha la dilay ay kamid ah aheyd wariyeyaal tababar ku qaatay xarunta Idaacada.

Wuxuu sheegay in markii ay dhameesatay tababarka kadib ay ku biirtay qeybta farsamada ee Idaacada halkaasina ay ka shaqeynaysay,isaga oo intaa ku daray hadalkiisa in imaanshaheeda Muqdisho uusanba war ka heyn cidna aysan usheegin.

Allaha unaxariiste Raxmo C/qaadir oo ah aheyd wariye ka tirsan Radio Caabudwaaq ayaa waxaa lagu dilay xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid xill ay wada socdeen gabar kale.

Ilaa hada faah-faahin rasmi ah lagama haayo dilka Wariye Raxmo C/qaadir cida rasmi ahaan ka dambeysay iyo sababta loo dilay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed