ALLAHA u naxariisto: Mohammed Ali Roble oo ku geeriyooday magaalada Minneapolis, MN
Inaa Lillaahi – wa inaa Ilayhi Raajicuun: ALLAHA u naxariistee waxaa magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota ku geeriyooday nin caan ah oo ka mid ahaa qoysaskii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay soo degitaanka magaalooyinka mataanaha Minneapolis iyo St. Paul, ee gobolka Minnesota.
Marxuumka oo magaciisa la yiraahdo Mohammed Ali Rooble – waxaa uu ahaa maamulihii hore ee qaybta daabacaada buugaata iyo wargayskii la oran jiray: Xidigta October iyo Deeqa .
Marxuumka oo geeriyood maanta oo ah Maalin Axad ah, bishuna ay tahay 3/24/2013, ayaa waxaa maalinta bari ah taariikhduna tahay 03/25/2013 lagu aasi doonaa qabuuraha Islaamka ee Burnsville, ee gobolka Minnesota, sallaada duhur kadib.
Taariikh kooban oo ku saabsan Marxuumka –na xariistii Rabi, ALLE ha siiyee
Marxuumka markii uu imaaday dalka maraykanka sanadkii 1992, waxaa uu isla markiiba bilaabay in uu u shaqeeyo mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee wax soosaarka ee degan gobolka Minnesota. Isla shirkadii ayuuna ka qaatay shaqo ka fariisi “retirement” Isagoo u shaqeeynayey isla shirkadaas mudo dhan 13 sano . Waxaa mudan in la xuso in ay yar tahay in dalka Maraykanka nin ku cusub uu in mudo intaa le’eg uu ka shaqeeyo hal shirkad, isla markaana uu ka qaato lacagta shaqo ka fariisiga ah “pension” Taas ayaana kuu cadeynaysa in marxuumka uu ahaa qof karti badan, xoogiisana maasha oo uu san sugin kaalmo dowladeed; janadii Fardowsa Allah haka waraabiyee.
Dadkii la shaqayn jiray ama aqoon buuxda u lahaa marxuun Mohammed iyo waliba asxaabtiisa ayaa markasta ku amaani jirey, dabeecad wanaag, daacad nimo iyo dulqaad badan. Eebe Ajar iyo xasanaad ha kasiiyo dabcigaas wanaagsan ee uu kula dhaqmi jiray qofka kasta oo ay is bartaan, mid yar iyo mid weynba.
Marxuumka oo ahaa Engineer, oo cilmiga “engineering” ku bartay dalka Talyaaniga, ayaan waxaa uu ahaa maamulhii guud ee qabybta dabacaada bugaagta iyo wargaysayada ee dalka Soomaaliya, waa intii aysan burburin dowladii Soomaaliya. Marxuumka ayaa waxaa la gudoonsiiyey abaal marino wax qabadkiisa uu ku mutaystay waqtigii uu ahaa maamulahii guud ee qaybta daabacaada buugaagta iyo wargaysayada ee Wakaaladii Madbacada Qaranka.
Marxuun Mohammed Ali Rooble ayaa ifka uga tagay xaaskiisa Maamo Madiino, 4 wiil iyo 3 gabdhood iyo waliba 29 carruur ah oo ay ubadkiisu dhaleen. Waxaan leeyahay, samar iyo iimaan Alle haka siiyo dhamaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskiisa. Alle qabrigiisa ha nuuriyo, danbigiisna ha dhaafo marxuun Mohammed Ali Rooble, Amiin, Amiin, Amiin.
Qore: Mohamed Barre – junlay.