|

Fanaaniin Isugu jira Soomaali iyo Ajaanib oo Shalay Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho March 25 2013 (SDN)– Faaniin isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa maanta Muqdisho soo gaaray ayagoona lagu soo dhaweeyey garoonka Adan Ade International Airport ee Magaalada Muqdisho.

Fanaaniintani oo ay hogaaminayeen fanaaniinta Soomaaliyeed ee Waayaha Cusub ayaa safarkooda waxaa ku wehliyey fanaaniin u kala dhashay Wadamada Mareykanka, Afgaanistaan, Kenya Iyo Ethiopia.

U jeedka fanaaniintani ayaa la tilmaamay in uu yahay qabashada bandhig faneed oo ay ku qaban doonaan Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka sida uu sheegay Gudoomiyaha Kooxda fanaaniinta ee Waayaha Cusub ahna hogaanka fanaaniintani, isagoona xusay in Magaalada Muqdisho ay ku qaban doonaan bandhig faneed lamid ah kuwa lagu qabto Magaalooyinka Waaweyn ee Caalamka.

Hogaanka Waayaha Cusub ayaa sidoo kale bandhig faneedkani ku micneeyey la jaan qaadka nabada ka hana qaaday Magaalada Muqdisho.

Safarkani maanta Muqdisho ay ku soo gaareen fanaaniinta isugu jira Soomaalida iyo Ajaanibta ayaa qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyo mudooyinkii dambe ay wadeen fanaaniinta Soomaaliyeed, ayagoona dhaq dhaqaaqooda ku sababeeyey is bedelka laga dareemayo Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed