Xamid Karzi oo Doxa u tegaya in uu wadahadal la furo Taalibaan
Doxa Mar 25,2013(SDN)-Wasaarada arimaha dibadda dalka af-ganistaan ayaa maanta sheegtay in Madaxweyne Xaamid Karazaay uu Bishan uu socdaal ku tegi doono dalka Qadar, soc-daalkaas oo dulucdiisu ay tahay siday u suura geli karto in wada hadalo nabadeed uu ula furo xarakada daalibaan.
Af-hayeenka wasaarada arimaha dibada dalka af-ganistaan waxa uu shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay, in socdaaklka uu madaxweyne Xaamid Karazay ku tegi doono Dalka qadar uu ku yimimarti qaad uu amiirka dalka Qadar u fidiyey.
madaxda labada dal ayaa ka wada xaajoon doona xidhiidhka labada wadan iyo in layska kaashado dedaalka nabad raadin ka aslaaxta dalka af-ganistaan.
SDN-Doxa
contact@somalidiasporanews.com