|

Dabley hubeysan oo weeraray degaano ku yaal Koonfurta Bari ee dalka Congo

Lokombaashi Mar 25,2013(SDN)-Dablay hubaysan ayaa lagu soo waramay inay weerar ku soo qaadeen magaalada Lokombaashi eek u taala koonfur bariga dalka Kongo. Hase ahaatee lama sheegin cid  weerarkaasi  wax ku noqotay.

Wararku waxa ay sheegayaan in kooxdan dablayda ah  ee weerarka soo qaaday ay ka tirsan yihiin maleeshiyada  May- May-ga uu cabsi  weyn ku abuuray dadka Gobolka  Katanga. In kasta oo uu Gudoomiyaha Gobolkaas Mr,  Katombi uu dadka ugu baaqay inay is dejiyaan.

Idaacada Okabi ee Qaramada midoobay ay maamusho ayaa waxa ay sheegtay in dablayda  magaaladaa soo weeraray tiradoodu ay  ahayd 240 dablay ah. Oo ku hubaysnaa Qaan-sooyin, Leebab, iyo Gol-xobo,

Bariga dalka Kongo ayaa waxa uu gabood u yahay  kooxo hubaysan oo falaago ah, kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya  dadka Rayidka ah,. Waxaanay kooxahaasi weerarada intooda badan  ay  ka fuliyeen  labada Gobol ee Kiifooda-woqooyi iyo Kifooda- koonfureed.

SDN-Lokombaashe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed