|

Xuska Maalinta Qaaxada Adduunka oo Si weyn looga Xusay Somaliland

Hargaysa 24.March (SDN)   Xuska Caalamiga ah ee Maalinta Qaaxada Adduunka oo Sannad kastaba lagu xuso adduunka Maantoo kale ayaa lagu qabtay Munaasibado Arrintan la xidhiidha Gobolada dalka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamud Axmed Bare Garaad ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad lagu xusayay Maalinta Qaaxada Adduunka oo lagu qabtay huteel Ambassador ee Caasimada Hargaysa.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka waramay dhibaatada uu Xannuunkani u leeyahay bulshada isagoo tilmaamay sida ay daawaynta Cudurkani u tahay mid fudud,Wasiirkani waxa uu bah’da Caafimaadka iyo Shacabka Somaliland u soo jeediyay inay xil iska saaraan cidhib tirka Cudurkan.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur “Cabdi Guray”,Madax ka socotay Hay’adaha WHO, World Vission iyo Madaxa Maamulka Xakamaynta Cudurka Qaaxada ee Wasaarada Caafimadka ayaa goobtaasi ka hadlay.

Gaba gabadii Munaasibadaas ayaa Ururka Wadaniga ah ee Havayooko waxay ku soo bandhigeen Masrixiyad ka Turjumaysa siyaabaha uu Cudurka Qaaxadu ku fido iyo sida ugu haboon ee la isaga daawayn karo.

Dhinaca Kale Wararka aanu ka Helnay Gobolada Awdal,Saaxil,Togdheer,Sanaag,iyo Sool ayaa dhamaantoodba Sheegaya in Xusas ku la Xidhiidha Maalinta Qaaxada lagu qabtay,Isla Markaana ay Barbar Socotay Masrixiyado Wacyigalineed oo lagu baraarujinayo Bulshada.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed