|

Berbera: Xukuumadda oo xil-ka-qaadis ku samaysay Maareeyihii Haamaha Shidaalka

Berbera 24, March (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa xil-ka-qaadis ku samaysay Maareeyihii Haamaha Shidaalka Berbera Mr. Shiine Cabdi Barkhadle.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan lagu shaaciyay xil-ka-qaadista, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa uu shalay xilkaa ka qaaday Maareeyaha Haamaha Shidaalka.

Warku wuxuu intaa ku daray in wasiirku uu masuul cusub u magacaabay xilkaas, iyadoo sida la sheegay xilkaas loo dhiibay masuul la yidhaahdo Maxamuud Gahayr Ismaaciil oo xilligii xukuumaddii UDUB madax ka ahaa Kastamka Berbera ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay xil-ka-qaadista Mr. Shiine Cabdi Barkhadle oo hore u ahaan jiray guddoomiyaha Kulmiye ee gobolka Saaxil kahor intii aan xilka Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera dhawr sannadood ka hor loo dhiibin.

Qurbejoog.com, Berbera

 

Comments are closed