|

Xildhibaan Saado Cali Warsame oo Iska Casishay Ka Mid ahaan Shaha Barlamanka Soomaaliyeed

Muqdisho March 24 2013 (SDN)– Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Shabakadda SDN in Xilibaanad Saado Cali Warsame oo ka tirsaneyd Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya ay iska casishay xilkaasi.

Xilibaan Saado Cali Warasme ayaa guddoonka sare ee Barlamanka Soomaaliya u gudbisay Warqada Iscasilaada waxaana ay ku sababeysay caafimaad xumo la soo daristay tan iyo markii ay shilka gaari gashay.

Saado Cali ayaa laga aqbalay Iscasilaadeeda waxaana lagu wargaliyay dadka ay matasho in ay keenaan xildhibaankii booskeeda Matali lahaa.

Laakiin Muran weyn ayaa waxa uu ka taagayahay cida noqon laheyd badalka Saado Cali madaama ay Puntland iyo Khatumo isku heystaan cidii soo magacaabi laheyd.

SDN-Muqdisho

Comments are closed