Howlgallo Lagu Soo Balaaran oo Ciidamda Raaskambooni ay Saaka Kawadaan Magaalada Kismaayo
Kismaayo March 24 2013 (SDN)– Kagadaal markii Shalay uu bartamaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose uu ka dhacay qarax xoogan ayaa saakay Magaaladaasi waxa ka soconaya howlgal lagu xaqiijinayo Amaanka islamarkaana lagu soo qabanayo dadkii ka danbeeyay qaraxii shalay dhacay.
Ismaaciil Dhuxuloow oo ah madaxa amniga maamulka KMG Gobalada Jubbooyinka ayaa saxaafada usheegay inay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay qaraxa.
Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen cidii ka dambeysay qaraxa shalay galab ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayuu sheegay inay usoo bandhigi doonaan hadii ay gacanta kusoo dhigaan kooxaha ka dambeeyay qaraxa.
Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayuu si aad ah u amaanay isaga oo sheegay in ammaanka Magaalada uu yahay mid wanaagsan oo aan dhibaato ka jirin.
Xilliyada qaar waxaa ka dhaca Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose qaraxyo ay khasaaro kasoo gaarto dadka shacabka iyadoo qaraxii shalay dhacay shacab ay khasaaro kasoo gaartay.
SDN-Kismaayo