|

Faah Faahin: Caruur Ku Waxyeeloobay Qarax ka Dhacay Xeraale, Gobolka Galgaduud

Xeraale March 24 2013 (SDN)– Faah-faahino ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geestay oo ka dhacay Degmada Xeraale oo ka tirsan Gobalka Galgaduud kaasi oo ay khasaaro kasoo gaartay caruur yar yar.

Qaraxa oo ahaa noociisa miino mar hore meesha ku aasneyd ayaa caruur dhiganaysay dugsi qur’aan waxa ay gargaraaceen goobta ay ku aasneyd miinada taasi oo keentay inay la qaraxdo miinadaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawacna ay kasoo gaarto caruurtaas.

Inta la xaqiijiyay labo kamid ah caruurtii ku sugneyd goobta miinada ay ku gar-garaacayeen ayaa geeriyootay halka sidoo kale saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantood ahaa caruur yar yar.

Guddoomiyaha Degmada Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf ayaa sheegay in qaraxa noociisa uu ahaa miino waqti hore meesha ku aasneyd sidoo kalena miinooyin noocaasi ah ay meesha ka buuxaan.

Wuxuu sheegay in dadka ay usameeyaan wacyigelinayo kala duwan oo ku aadan inaysan udhawaanin hadiiba ay arkaan miinooyin noocaasi ah.

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha ku shaqada leh miino baarista ayuu sheegay in looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan ka saarida Degmada Xaraale waxyaabaha qarxa ee dhibaatada shacabka kasoo gaareyso.

Inta badan caruurta oo aan aqoon buuxda ulaheyn nooca miinooyinka ayaa waxyeelo ay kasoo gaarta iyagoo gar-garaacaya waxyaabahaasi qarxa.

SDN-Xeraale

Comments are closed