|

Maayarka Magaalada Balli Gubadle oo ka waramay Raxmaadka Gu’ga oo ka Curtay Deegaamada Degmadaas

Hargaysa 23 March.(SDN)  Inta badan deegaanada hoos yimaadda degmada Balligubadle ee Gobolka Hawd ayaa habeenimadii xalay waxaa ka da’ay roobab lixaad leh kuwaasoo maansheeyey  meelahii ay hore biyo yaraanta iyo xaalufku ka taagnaayeen.

Mayorka magaalada Balligubadle Md Cabdi iimaan Jaamac oo maanta kormeeray qaar ka mid tuulooyinka ay raxmaddu saamaysay ayaa waxa uu sheegay  in raxmadda roobku ay heshay dhamaan tuulooyinka kala ah Gumburaha, Gumar, ina cunaaye, Magaalo Xaali, Balli Cabane, Sayla iyo Xoodda oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Balligubadle, halka sidoo kalena uu mayor-ku cadeeyey in deegaanada dhanka bari ee degmadaasi aanay weli helin wax roobab ahi.

Mayorka oo uu kormeerkiisa maanta ku wehelinayey xoghayaha Dawlada hoose ee Degmadaasi Cabdikariim Cabdiraxmaan ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in cirku ka cusub yahay gobolkaasi lana rajaynayo in maalmaha soo socda uu jabo jiilaalkii adkaa ee dadka iyo duunyadaba  haystay.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed