|

Gudoomiyaha Baanka Dhexe oo Xog Waran ka siiyay Gudida Joogtada ee Golaha Wakiilada Sicir bararka dollarka iyo Meceeshada

Hargaysa 23 March.(SDN)  Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Md Cabdi Dirir Cabdi ayy maanta warbixin ka siiyey gudida joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland sicir bararka doolarka iyo maceeshada quutul daruuriga

Md Dirir waxa uu sheegay in isbedelka aan fadhiyin ee suuqa sarifka lacagaha qalaad ay door ku leeyihiin sariflayaasha madaxabanaan.

Gudoomiyaha Baanka oo ka hadlayey xaaladda xawaaladaha iyo sariflayaasha waxa kale oo uu sheegay in xawaaladuhu ay qabtaan hawlihii Baananka iyagoo amaahna bixiya, Sanduuq xisaabaad-na fura, taas oo uu ku tilmaamay in xeerarka Somaliland u yaallaa aanay u fasaxaynin. Isagoo u soo jeediyey shirkadaha noocaas ah ee gaadhay heer ay u gudbi karaan Bank inay soo dalbadaan ogolaanshihii dawlada, waxana uu xusay inaan laga aqbali doonin inay faraha kula sii jiraan hawlaha bangiyada iyagoo aan wax sharciyad ah u haysanin.

Gebagebadii warbixintiisa ayaa Md Cabdi Dirir cabdi Gudoomiayaha baanka dhexe ee Somaliland waxa uu ku sheegay inuu meesha ka maqan yahay doorkii Baananka ganacsiga ay ku lahaayeen suuqa xorta ah. Isagoo sidoo kalena sheegay in dhowaan ay arimaha noocan ah kulan ka yeelan doonaan Baanka dhexe, gudida dhaqaalaha ee golaha wakiilada iyo wasaaradda maaliyaddu ,kaas  oo lagu gorfayn doono talaabadii laga qaadi lahaa gebi dhaclaynta sicirka suuqyada sarifka lacagaha qalaad.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed