|

Shir hawleed lagu diyaarinayo Qorshaha Komiishanka Maamul Wanaaga oo Hargaysa ka furmay

Hargaysa 23 March.(SDN)   Gudida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa maanta waxa u furmay kulan socon doona muddo labo cisho ah kuna saabsan diyaarinta qorshaha kumishinka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Kulankaasi oo loo qabtay xubno ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda oo ay wehelinayaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo aqoonyahano kala duwan iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah uu hadal ka jeediyey Gudoomiyaha gudidaasi.

Md Axmed Muxumud Madar Gudoomiyaha Gudida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo kulankaasi ka furay Hotel Maansoor ee Magaalada hargaysa ayaa waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedada guud ee kulankan oo uu ku tilmaamay dejinta istiraatiijiyad qaran oo lagula dagaalamayo lagagana hortegayo musuqmaasuqa isla markaana lagu hagaajin lahaa maamulka hay’adaha dawladeed ee jira.

Md Madar waxa uu sheegay in gudidiisu doonayso inay kulankan ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo la xidhiidha ujeedooyinkiisa, isagoo dhanka kalena xusay in kartida iyo waxqabadka hay’adaha noocan ahi uu ku xidhan yahay hadba inta ay le’eg yihiin awoodaha ay hay’addu leedahay, nooca shaqaale e ka hawlgala iyo dhaqaalaha ay u baahnaan karto.

 

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed