|

Wefti ka Socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo Socadal ku Yimid Hargaysa

Hargaysa 22 March (SDN) Wefti ka socda Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa iyo wadamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa  Maanta booqasho yimid Caasimada Hargaysa iyagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Weftigan  oo ay  madaar ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan Xukuumada  Somaliland,  waxaana la filayaa in ay  la kulmaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud  Siilaanyo  iyo xukuumadiisa.

Xubnahan oo ka kooban  xafiiska siyaasada ee UNPOS iyo koox ka socota dalal Qaadhaan-bixiyeyaasha oo  u badan Midowga Yurub, ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan Ujeedada Socdaalkooda, Waxaanay Sheegeen inay Safarkooda ka hadli doonaan , marka ay la kulmaan  madaxda sare ee dalka.

Warar hor dhac ayaa Tilmaamaya in Socdaalka Weftigani uu Salka ku hayo Sidii ay Xukuumada Somaliland ugala hadli lahaayeen meel marinta Qaraarkii dhawaan ka soo baxay Qaramada Midoobay ee ay ugu waaweynayeen Qaranimada Somaliya,kuna Cadeeyeen inay Kalsooni buuxda Siinayaan Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Xayiraad ka qaadida Cuna qabatayntii Hubka ee Somaliya saarnayd Mudadii dheerayd ee dagaalada qabaliga ahi ka socdeen.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo galabta ka soo laabtay Socdaal uu ku joogay Magaalada Nairobi ayaa Mar sii horaysay Saxaafada u Sheegay in ujeedada socdaalka Weftigani uu ku saabsan yahay xidhitaanka Xafiis siyaasadeedkooda UNIPOS ee Qaramada Midoobay ku lahaayeen Somaliland, kaasoo ay u rarayaan Somaliya,Inkastoo Wasiirku uu Cadeeyay in Xukuumada Somaliland ay Ogolayn karto oo keliya hadii uu Xafiiskaasi ula Shaqeeyo qaab dawladeed .

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed