|

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Furay Mashruuc Guryo loogu dhisayo dadka danyarta ah ee Xaafada Ayax

Hargaysa 18.March (SDN)  Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qaybgalay Mashruuc Guryo loogu dhisayo dadka danyarta ah ee Ku dhaqan Magaalada Hargaysa.

Munaasibad lagu daah furayay Mashruucan Guryaha loogu dhisayo dadka dan yarta ah oo ay Fulinayso Hay’ada Un Habitat ayaa waxaa ka faa’iidaysan Doona Sadex boqol iyo Konton Guri oo laga hirgalinayo Xaafada Ayax ee Konfurta magaalada Hargaysa waxaa ka qayb galay Wasiirada Wasaarada Dibu dejinta,Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Maayar ku xigeenka Magaalada Hargaysa iyo Mas’uuliyiin kale .

Madaxa Hay’ada Un Habitat Cabdi Aadan ayaa ka warbixiyay Mashruucan iyo faa’iidada uu ugu fadhiyo dadka danyarta ah isagoo xusay in hab bakhtiyaanasiib ah loogu qaybiyay dadka degi doona Guryahan.

Wasiirka Dibu dejinta ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Sheegay in Mashruucan ay ku deeqday dawlada Jabaan isla markaana ay hirgalinayso hay’ada Un Habitat waxa uu Wasiirku Xusay in Qorshaha loogu talo galay uu ku qotomo sidii ay hoy u heli lahaayeen barakacayaasha ka yimid Xeryaha Qaxoontiga iyo kuwa ku baro kacay dalka gudihiisa .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa u mahadceliyay Dawlada iyo dadka Jabaan ee ay ka timid deeqdan guryaha loogu dhisayo Sadex boqol iyo kontonka Guri waxaa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku u mahadnaqay hay’ada Un Habitat ee Mashruucan fulinaysa doorkeeda la xidhiidha sidii ay beesha caalamka ugu bandhigto baahiyaha barkacayaasha iyo dadka danyarta ah ee dalka .

Waxaa kale oo halkaasi hadalo ka soo jeediyay Gudida Barakacayaasha Guryahan loo dhisayo oo sheegay inay ku faraxsan yihiin dhismayaasha loo samaynayo iyagoo ka codsaday Xukuumada iyo hay’adaha kaleba in loo dhamaystiro baahiyaha dhinacyada Caafimaadka,Waxbarashada, iyo biyaha ee Xaafadaas .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshda,Maayar ku xigeenka Caasimada Hargaysa,Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex,iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada dibu dejinta.

Hargaysa SDN

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed