Salaadiin Madaxweyne Siilaanyo ku taageeray Go’aankii uu ku Qaadacay ka qayb galka Shirka London ee Arrimaha Somalia
Hargaysa 18.March (SDN) Salaadiinta Beelaha laga tirada badan yahay,ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa Ku taageeray go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaaliland Mud, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Qaadacaada shirka soomaalida ee London.
Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ugu horayn shirka jaraa’id Ka hadlay ayaa sheegay In ay si buuxda u taageersan yihiin go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliland Mud, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ku wajahnaa Inaanay Somaliland ka qayb-gelaynin shirka London lagu qabanayo Bisha May ee soo socota.Waxaanuu suldaanku ku amaanay go’aankaasi oo uu ku tilmaamay mid geesinimo leh oo uu gaadhay.
Saldaan Maxamed Muuse Nuur ayaa isna sheegay, in Somaaliland uu ilaahay ku manaystay Nabadgelyo tii ugu wanaagsanayn, taasi oo uu sheegey in ay ku timid wada jirka iyo iskaashiga Shacabka iyo Xukuumadda.
Dhanka kale Waxa ay salaadiintu baaq u jeediyeen dadka walaalaha ah ee degan Gobolada Awdal iyo Selel oo ay u Jeediyeen inay khilaafka ku wajahan Saylac ku dhameeyaan walaaltinimo, wada hadal iyo is-af-garad, ilaahayna ay uga rajaynayaan inuu is-fahsiiyo.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com