|

Faah Faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta Muqdisho lagu la eegtay Taliyihii PIS Muqdisho

Muqdisho March 18 2013 (SDN)— Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo maanta lala eegtay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg, kaasi oo marayay inta u dhexeesa Guriga Hooyooyinka iyo Ex-Giyoore ee Magalaada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid ismiidaamin ah waxaa la sheegay in qaarkamid ah ilaaladii Ereg ay dhaawacmeen halka mid kamid ahna uu dhintay.

Inta la xaqiijiyay 7-ruux oo ay dad rayid ah ku jiraan ayaa geeriyooday tiro intaasi kabadan waa ay ku dhawacmeen qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa.

Qarax ay aa sidoo kale waxa uu qasaaro ka soo gaaray dad rayid ah oo la socday Mikami ah gaadiidka dadweynaha oo meesha qaraxu ka dhacay Marayay.

Xaalada Taliyihii Ciidanka Nabad Sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa laga derinayaa waxaa hada lagu dabiibayaa Isbitalka Ciidmada AMISOM ee ku yaalla Xarunta Xalane.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka Gobalka Banaadir Warsame Maxamed Xasan Warsame Joodax oo goobta qaraxa ka dhacay saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah.

Wuxuu sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab khasaaro badana uu soo gaaray gaari ay saarnaayeen dad shacab ah balse ay wadaan baaritaano ku aadan khasaaraha inta uu la eeg yahay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyadoo wadooyinka ay xireen rasaasna ay dusha uridayaan.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed