|

Xildhibaano Tagay Baydhaba Oo Ku Biiray Qorshaha Maamul Loogu Sameynayo Lix Gobol Oo Ka Tirsan K/Soomaaliya

Baydhabo March 18 2013 (SDN)— Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay oo ay gaareen dhawaan Xildhibaano ku dhaw 30 Xildhibaan ayaa ujeedka gaaritaankooda Xildhibaanadiisa lagu sheegay inay shirar kala duwan la qaataan masuuliyiinta ku howlan maamul usameynta lix Gobal oo koonfurta dalka Soomaaliya ku yaalo.

C/laahi Cumar Cali Sheeti oo kamid ah xubnihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanada ay la qaateen kulamo gaar-gaar ah oo looga arinsanayo maamulka loo sameynayo lix Gobal oo ku yaala koonfurta dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in iminka ay kuguda jiraan qaban-qaabada shirkaasi isaga oo sheegay in dhawaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu tagi doono Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.

C/laahi Cumar Cali Sheeti oo aan weydiinay aragtidiisa ku aadan shirka ka socda Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku sheegay in shirkaasi uu yahay mid aan loo dhameyn islamarkaana sida uu tilmaamay shirkaasi uu gaar u yahay hal jabhad oo kaliya shacabkana aysan udhameyn.

Ugu dambeyn wuxuu carabaabay in shirka ka furmaya Magaalada Baydhabo uu yahay mid ay udhan yihiin shacabka Gobaladaasi dhamaana ay kasoo qeybgali doonaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa dib udhac ku yimid shirka la qaban-qaabinayo inuu ka furmo Magaalada Baydhabo ee Gobalkaasi Baay.

SDN-Baydhabo

Comments are closed