Shabaabka oo dib u qabsaday degaano dhawaan laga saaray
Xudur Mar 18,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ee dhawaanahan laga sifeeyay degaano faro badan oo ku yaal Konfurta Soomaaliya ayaa waxa ay dib ugu soo noqonaayaan degaanadaas.
Kooxda Al Shabaab ayaa dib ugu soo noqdey degaano ku yaal gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya.
Ciidamo faro badan oo faro badan oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay degaano dhawaan laga saaray.
Degmeda Xudur ayay Shababaku gacanta ku dhigeen shalin gelinkii danbe ka dib kolkii ay ciidamo Itoobiyaana iyo kuwa dawlada Soomaaliya oo halkaa ku sugnaa ay isaga baxeen habeenimadii Sabtida.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawlada Soomaaliya ayaa u dhaqaaqay dhanka magaalada Baydhabo oo xarun u ah ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.
Ma cada in Ciidamada Itoobiya ay magaalada uga baxeen culeys uga yimi Shabaabka iyo Shababaku halkaa ku sii sugnaan doonaan.
SDN-Xudur
contact@somalidiasporanews.com