|

Toban sano ka hor maanta oo Xulufo reer Galbeed ahi ku Duuleen dalka Ciraaq

Washington Mar 18,2013(SDN)-Waxa maanta toban jirsaday maalintii ay xulafo reer galbeed u badan oo Mareykanku hogaaminayo ay ku duuleen dalka Ciraaq.

Dagaalka oo Mareykanku goaamiyay ayaa ku saleysnaa in Ciraaq heysato hubka sida ba’an wax u gumaada.

Dagaalkii Ciraaq lagu qaaday toban sano ka hor ayaa suaalihiisu weli taagan yihiin oo ilaa maanta dadka reer galbeedka qarrkood aaney masuuliyiintoodii xilgaa cafin.

Dagaalka oo qalaalaasihii ka dhashay uu burburkiisu weli taagan yahay ayaa waxa uu sababy dib u dhaca mid ka mida dalalka dunida ugu qanisaa.

Shacab ka badan 100.000 ayaa ku geeriyooday dagaalkii lagu qaaday Ciraaq toban sano ka hor maanta.

Dhimashadu waa ay sii socotaa in kasta oo ciidamadii Mareykanka dalkaas laga saaray bishii laba iyo tobnaad ee sanadii 2011kii.

Mareykanka ayaa waxa dagaalkaa uga geeriyooday ciidamao gaaraya 45 kun oo askari halka dhaawacoodu uu intaa ku laba jibaarmayo.

Dalka Ciraaq iyo dadkiisuba waa ay ku kala duwan hihiin qiimeynta weerarkaa xilkii looga tuuray xukuumadii Sadaan Xuseen.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed