|

Shirkada Isgaadhsiinta Somtel oo Xarun Cusub ka furatay Magaalada Bali Gubadle

Balli Gubadle 17.March (SDN)  Gudoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xasan Cali ayaa maanta Xadhiga ka jaray Xarun ay Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtell ka hirgalisay Magaalada Balli Gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd .

Munaasibad loo sameeyay xarunta ay shirkada isgaadhsiinta ee Somtel ku yeelanayso magaalada Baligubadle oo ay ka qayb galeen Madaxda Sare ee Shirkadaas,Salaadiin,Maamulka Degmada ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xasan Cali iyo Maayaarka Magaalada Balli Gubadle Guray Iimaan Jaamac ayaa soo dhaweeyay Xarunta ay shirkadani ka furtay Magaalada Bali gubadle oo ay tilmaameen inay baahi badan u qabtay adeega Isgaadhsiineed ee Shirkadaas.

Maareeyaha Shirkada Somtell Cawil Xaaji Saalax Maxamed ayaa dhiniciisa ka sheegay inay maanta xarumo kala duwan ka furteen qaar ka mid ah magaalooyinka dalka .

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo iska daba maray ahmiyada ay isgaadhsiintu ugu fadhido dalka .

Bali Gubadle SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed