|

Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor oo Cadeeyay in Wada hadalada u socda iyaga iyo Xukuumadu inaanay Ujeedadoodu ahayn inay ku biiraan Xisbiga Kulmiye

Hargaysa 17.March (SDN)Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor ee Ku hadhay Marxaladii loogu soo Gudbayay Sadexda Xisbi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Gurigiisa ayaa ka hadlay Wada hadalada u socda Ururka Xaqsoor iyo Xukuumada Somaliland,Dacwad uu Ururkoodu ka furtay Maxkamada Dalka dibadiisa ah,iyo Go’aankii uu Madaxweyne Siilaanyo ku qaadacay ka qayb galka Somaliland ee Shirka London ka dhici doona .

Xasan Ciise Jaamac waxa uu iftiimiyay wada hadalo Mudooyinkii u danbeeyay u Socday Ururka uu Hogaamiyaha ka yahay iyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo  isagoo sheegay in Waxa keliya ee laga Wada Xaajoonayay uu la xidhiidho Xanaftii ka dhalatay doorashadii golayaasha deegaanka,Waxaa kale oo uu Meesha ka saaray in Wada hadaladani aanu macnahoodu ahayn inay ku biirayaan Xisbiga Kulmiye ” Wax wada-hadal ah oo la galay ma jirto arrinkaasi  ee ay socdaan mana aha  in ururka Xaqsoor ku biirayo Kulmiye balse waa sidii loo eegi lahaa doorashooyinkii dhacay ee Xanafta reebay”.

Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor waxa uu Tafaasiil ka bixiyay halka ay u marayso dacwad ka dhan ah Xukuumada Somaliland oo Ururkoodu ka furtay Xasan Ciise Jaamac waxa kale oo uu xusay in dacwad ka dhan ah xukuumadda  oo uu ururkiisu ka furtay maxakamado caalami ahi “Waxaanu dacwad ka furanay laba maxakamadood,taasi oo aanu ku  dacwoonayno dalka waxa ka dhacya Cadaalo darro fool xun oo ay reebeen doorashadii la galay , markaa way socotaa wada hadalkan  waa uu socdaa is diidimaayaan markaa waxii ka dhashana waxa ka masuul ah  xukuumadda oo ah tii iyadu keentay  oo ah ciddii cadaalad darrad wada anaguna waxaanu sidaasi u yeelnay  waxaanu nahay cadaalad doon , waxaanu tagnay maxakamadaha dalka way na diideen” waxaanu yidhi  .

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor oo la Weydiiyay Sida ay u arkaan Go’aankii uu Madaxweyne Siilaanyo ku qaadacay Shirka dawlada Ingiriisku dabada ka riixayso ee arrimaha Somalia laguna qaban doono dalka Ingiriiska ayaa ku jawaabay “Arrinkan qaadacaada  maaha talaabo geesinimo iyo amaan lagu mudan karo oo lagu tilmaami karo ayaa waa mid ay garan karto islaanta suuqa joogta iyo cidkastaaba  iyo ta awrka hogaaminaysa wayna iska cadayd in uu ay Somaliya leedahay anigu hore ayaan u sheegay , oo shirkii hore ayaa amaan lahaa oo ay ahayd in laga qab-galo kaasi waxa ka mid ahaa dadkii soo jeediyey ee yidhi ha laga qaybgalo kanse  maaha  waayo dee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hogaaminaya  , markaa madaxweynuhu ma inta uu farta taago ayuu odhan doonaa ma hadlaa Xasan Sheekh Maxamudoow” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac .
Hargaysa SDN
qurbejoog@gmail.com

Comments are closed