|

Kulan lagaga hadlayay Kor u qaadka Nadaafada oo Hargaysa lagu qabtay iyo Xubno Wasiiro ah oo ka hadlay

Hargaysa 17.March (SDN) Kulan lagaga  hadlayey  Ku baraarujinta  Bulshada  nadaafada Guud iyo basrinta xashiishka, kana soo qayb galeen Wasiirka  wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta sh. khaliil C/lahi Axmed, Wasiir-ku- xigeenka Amniga ee wasaarada arimaha Gudaha Mud,C/lahi Cismaan Abokor,Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo tacliinta sare md. Cali Xaamud Jibriil,,Maayir ku xigeenka Casimada md. C/rashiid maxamed xaashi iyo Masuuliyiin ka socday Baanka  aduunka iyo xafiiska shaqo Doon ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sh,Khaliil C/alhi Axmed oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu  si qoto dheer uga hadlay muhimadda Nadaafadu u leedahay  nolosha Bulshada iyo kaalinta ay  diinta  islaamka kaga jirto ilaalinta nadaafaddu.waxaanuu wasiirku xusay in  loo baahan yahay in  Guud ahaan  loo guntado sidii masuulyad guud la isaga   saari lahaa nadaafada caasimada iyo wax ka qabashadaeeda.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaarada  Arimaha Gudaha Mud, C/lahi Cismaan abokor, oo isna halkaa ka hadlay ayaa  waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan-tahay in  Bulshada lagu wacyigaliyo khatarta uu xashiishku u leeyahay guud ahaan  , waxaanuu xusay in haddii qof kastaa  uu garwaaqsado  qaybta uu ku leeyahay masuuliyadaas   la yarayn karo qashinka oo qof waliba  basrin  doono .Ku xigeenka Maayirka Caasimada Hargeysa C/casiis Maxamed xaashi, ayaa isna  ka waramay qorshaha  Dawlad a hoose ahaan  ay ku tala galeen  wax-ka-qabashada arintaas, waxaanuu maayir xigeenku u soo jeediyey dadweynaha inay iska hagaa jiyaan xashiishka  oo ay  Gaadiidka loogu tala galay   saaraan marka ay soo maraan,isla markaana ay meelaha  loo qorsheeyey  ku hubsadaan.  Mud,.C/casiis waxa uu intaa ku daray in shirkadaha qashinka  ay isla la qaateen  maadaama la gelayo xili roobaadkii in todobasasdkiiba  laba jeer ay talo isugu yimaadaan  si looga arin-sado wax-ka qabashada  xashiishka iyo nadaafada Guud  ee caasimada.   Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay madaxa xafiiska shaqo doon maxamed xasan oo si balaadhan uga waramay qashinka iyo dhibaatadiisa iyo sida loo basrin karo.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed